![]() |
|
![]() |
|
|
||
|
Maalintii saddexaad oo dagaalo qaraar ka socdaan Gobalka Baay ayagoo ku dhex maraya Ciidamda Maxaakiimta iyo kuwa dowlada oo ay taageerayaan kuwa Ethiopia Khamiis,Dec,21,2006 Maalintii saddexaad ayaa dagaal qaraar oo ka kulul kuwii horey u dhexmaray Maxaakiimta iyo Ciidamda dowlada oo ay taageerayaan kuwa Ethiopia ayaa saakay ka bilaamay goobihii uu shalay dagaaladu ka dhaceen ee ka tirsanaa deegaanka Gobalka Baay. Dagaaladaan ayaa wararku u sheegayaan siyaabo kala duwan aydoo aysan jiri xaqiiqada dhabta ah ee ka warami karta dagaalka ayadoo dhan walba uu sheegayo in uu guulo ka gaaray dagaaladii Shalay iyo Maantayba dhacay ayadoo habeenkii xalay ahaana aan lakala seexan oo Madaafiic lays kugu jawaabayay. Dagaaladaan ayaa saaka ka soo cusboonaaday deegaanada Daynuunaay, Iidaale iyo Mooda-Moode oo dhamaantood ay shalay dagaalo kulul ka dhaceen balse dagaalkii saakay iyo maantay ayaa lagu qiyaasay in uu ka kululaa dagaalkii shalay iyo habeen horeba. Deegaanka Iidaale ayay Maxaakiimtu sheegeen in ay Maanta guulo ka gaareen oo iska riixeen Ciidamadii Tikreega ahaa waa sida ay hadalka u dhigeene iyo kuwii dowlada, Maxaakiimta ayaana caddeeyay in ay Maanta la galeen dagaal culus dhanka kale waxa ayna yiraahdeen markaan waxaan ishaynaa Tikree. Dhanka dowlada ayaa ayaguna sheegtay in ay guulo ka gaareen dagaalkii shalay iyo xalay ayagoo ka gaabsaday kii Maanta oo ay sheegeen inay gadaal ka sheegi doonaan wixii ay kala kulmeen, dadka jooga Baydhabo ayaa sheegay in ay arkayeen Diyaaraha loo yaqaan Helokobtarka ee qumaatiga u kaca oo daad gureynaya dhaawacyo ayagoo ku soo dagayay garoonka dayuuradaha Baydhabo. Dagaalka ayaa wali socda asagoo aan lakal joojinayn Madaafiicda ayadoo dhan walbana ku dadaalayo sidii uu guusha uga heli lahaa dhankale ayaa haddana waxaan jirin warar si rasmi ah u xaqiijin kara sida dagaalku u socdo ayadoo uu aad u balaaran yahay aaga dagaalku ka socdo awgeed. Caamir Muuse.Muqdisho Hobyo Radio News Media |
||
|
Contact: hobyoradio@hotmail.com |
||