Maxkamadaha oo ka hadlay guulihii ay ka gaareen dagaaladii ka dhacay deegaano ka tirsan Gobalka Baay.

  Khamiis,Dec,21,2006

Shir jaraa’id oo ay qabteen qaar ka tirsan Mas’uuliyiinta Maxaakiimta Islaamiga ah ayaa waxa ay kaga warameen guulihii ay ka gaareen dagaalladii ka dhacay qaybo ka mid ah gobalka Baay ee ay isaga hor yimaadeen Ciidamada Maxaakiimta iyo kuwa dowlada oo ay taageerayaan kuwa Ethiopia.

Xoghayaha Ammaanka ee Maxaakiimta Sheekh Yuusuf Siyaad Indha-cadde ayaa sheegay in ay guul la taaban karo ka gaareen dagaaladii ay la galeen Ciidamda Ethiopia ee fadhiya gobalka Baay asagoo diiday in uu ka dhawaajiyo Ciidamo ay leedahay dowladu oo sheegay in ay hadda ishayaa Ciidamda Tikreega ah ee xitaa aysan wax Colaad ah kala dhaxayna Ethiopia in teeda kale.

Sheekh Yuusuf ayaa sheegay in ay hadda jabiyeen Ciidamadii Tikreega ahaa oo ay sii cayrinayaan waxa uuna sheegay in ay sii daba joogi doonaan ilaa Addis-ababa, oo uu sheegay in ay doonaya in ay kadul qaaday ummadaha kale ee dolman Cadowga Tikreega, waxa uuna sheegay in haddii ay ka baxaan dalkeena oo ay ku noqdaan dhulkooda aan la hadli karno haddii kale waanoo dagaal.

Indha-cadde ayaa sheegay in ay ayagu duulaan yihiin oo cid laweydiinayo aysan jirin waayo waxa lagu dagaalamayo waa dhulkeenii  ayamaa soo duulay wax su’aal ah uma baahna waana ka saari doona dalkeena haddii ilaah idmo, kuweena dhinta waa shahiidiin kuwa dhaawamana allah ayay u dhawwanayaan marna ma qasaari doono.

Waxaa isna ka hadlay Xoghayaha Guud ee Golaha shuurad Sheekh Maxamuud Ibraahim Suuley ayaa sheegay in ay Ethiopianku dhib badan ku hayaan deegaanada ay joogaan dadka dagan oo ay xoolihii iska qal qalanayaan, waxayna dagaalka u soo qaaden ayagoo diidanaayeen Ethiopianku in dib loosoo celiyo dib u heshiisiintii. Waxaana Sheekh Maxamud Suuley iyo Sheekh Ibrahim Shukri oo loo xilsaaray in ay ka hadlaan dagaalada maadaama uu afhyeenkii Maxaakiimta C/raxiim Cali Muudey uu aaday jiida hore ee dagaalka.

Sidoo kale Waxaa ka hadlay Shirkaan Jaraa’id Sheekh Ibraahim Shukri Afhayeenka Jubbooyika oo sheegay in dagaalkii ay shalay iyo Maanta la galeen Ethiopianka iyo dowlada deegaanka Iidaale ay ka gaareen guul la taaban karo ayagoo ka qabsaday 6 qori oo kuwa la jiida ah ee waaweeyn iyo hal gaari oo qori saran yahay waxa uuna sheegay in ay Ciidamada Ethiopia ka dileen 70 askari oo sarkaalkii hogaaminayay uu ku jiro ayna ku dhaawaceen in ka badan 40 askari.

Shukri ayaa sheegay in dhankooda ay Shihiideen 4 ruux ayagoo a y ka dhaawacmeen 9 kale, ninkii dhinta oo dhankooda ah uu yahay ahlu Janno marka aysan jirin wax qasaaro ah oo ay la kulmeen ee waxa qasaaradu u sugnaatay waa dhanka kale.

Caamir Muuse.Muqdisho

Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@hotmail.com