Dowlada oo sheegatay in ay guulo ka gaareen dagaalada ka socda gobalka Baay

Khamiis,Dec,21,2006

Dowlada ku meel gaarka ah ee fadhigeedu yahay Baydhabo ayaa sheegtay in guulo ka gaartay dagaalada ka socda Gobalka Baay ee u dhaxeeya Maxaakiimta iyo dowlada oo ay saacidayaan Ciidamada Ethiopia.

Arrinkaa ayaa waxaa ka hadlay Wasiir ku xigeenka Gaashaan dhiga Salaad Cali Jeelle ayaa sheegay in ay Maxaakiimtu dagaalka ku soo qaadeen oo ay doonayeen in ay carqaladeeyaan socdaalkii wafdigii ka socday Midowga Yurub ee booqashada ku yimid Magaalada Baydhabo.

Salaad ayaa sheegay in dagaaladii ka dhacay Iidaale ay dowladu guul ka gaartay waxuuna ka hadlay dagaaladii shalay iyo xalay ka dhacay deegaanka Iidaale,waxa uuna sheegay dhanka kale ee Daynuunaay in uu ka dhacay dagaal adag oo ay qasaarooyin u geysteen dhanka Maxaakiimta.

Salaad ayaa sheegay in ay dileen 71 malayshiyooyinka Maxaakiimta ka mid ah waa sida uu hadalka u dhigaye, 3 tiknika ahna ka qabsadeen qaar kalana ka gubeen, labo nin oo Muhiim ah oo argagixiso ah, dadweynaha ayaa arkay waa sida uu sheegay Salaad Cali Jeelle.

Wasiir ku xigeenka ayaa isagoo warkiisa sii wata sheegay mar wax laga weydiiyay Ciidamda Ethiopia eek u sugan Gudaha Baydhabo kaga jawaabay in ay ayagu u yeerteen Ciidamda Ethiopianka oo daris iyo codsiba ugu yimaadeen waana tiro xadidan oo tababarayaal ah, Ciidamadaani inta ay tabaabrka ku jiraan waa waxa ay wataan qoryahooda iyo gaadiidkooda waana is difaacayaan.

Salaad ayaa sheegay in uu jiro dagaal culus oo ka soconaya dhanka Diinsoor iyo dhanka Iidaale oo uu ka hadli doono goor dambe oo uu hadda jawaab ka bixin kajir.

Salaad ayaa sheegay in Ciidamada Maxaakiimta ay hogaaminayaan dad ajaanib ah oo dhanka Daynuunaay uu hogaaminayo Nin Gacamey la yiraah oo ajnabi ah oo afganistaan ka dagaalamay, dhanka Iidaalana uu hogaaminayo nin la yiraah C/le Suudaani oo ajnabi ah.

Caamir Muuse.Muqdisho

Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@hotmail.com