Masu’uliyiin ka Socota Ururada HOBYO RELIF,SOSDA, IYO Warbaahinta Hobyoradio oo Safar kor Meer ah ku Tagay Deegaano ka Tirsan Gal-Mudug gaar ahaan Deegaanada Gobolka Hobyo ee dowlad goboleedka Gal-Mudug State.{ Daawo Sawirada }

Dec,21,2007 www.Hobyoradio.com

Masuliyiinta kala ah Duraan cali dabaadi oo ah gudoomiyaha ururka hobyo Hobyo Relif And Developent ORG.kana tirsan jaaliyadda Gal-mudug ee Sweden, C/Naasir C/laahi Cabdi {shuuke xogolof } oo ah Agaasimaha guud ee uruka SOSDA ee iyo Wariye Cabdalla Max’d cabdille oo ah wariyaha hobyoradio ee gal-mudug ayaa dhawaan safar shaqo ku tagay deegaano ka tirsan G/mudug gaar ahaan Deegaanka HOBYO iyo Dagmooyinka ku xeran ee Gal-mudug state.

Mahad Gaara Wariyaheena Cabdalle M. Cabdille oo Xuquuqda Sawirada Leh. By: C/aziz Xogolof

Xeebta labaad Ee Magaaladda Hobyo

Xarunta Shidaalka ee Hobyo 1 Ee ay Qoday shirkada Conoco.

Waxaan magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gal-mudug state ka anba baxnay xli habeen ah saacaduna ahayd 9:00 fiidnimo ee xliga Gaalkacyo, waxaan wadanay gaari noo gaar ah waliba nooca loo yaqaan layla calaawi ama lancurusar waxaana ka koobnayn 6 uux waxaana safarka nagu wehliayay cabdi risaaq xabeeb,c/raxan waaf oo ayagu ah rag ka shaqaysta bada isla markaasina ah rag yaqaana dhulka aan maraynay waxaa sidoo kale eh liayay cabdulaahi shekh saciid oo ahaa darawalka gaariga noo waday waxan magaalda Gaalkacyo uga an baba baxnay wada aada halka loo yaqaan bud bud ujeedka safrkeena ayaa ahaa ukuur galida nolasha guud ee ka jirta deegaandaada ka tirsan Gal-mudug isla markaasina masuuliyiinta ururada samafalka ka socday ee shuuke iyo duraan ay si gaar ah ugu kuur galayeen waxyaabaha lagama maarmanka u ah nolosha bini’adamka sida waxbarashada,Cafimaadka, Biyaha,Iwm. Masu’uliyiinta ayaa kulamo la yeelaanayay odayaasha iyo wax garadka deegaanda aan saafrka ku marnay. Safarkeena oo qaatay mudolix casho ah ayaa waxaan socdaal ku marnay 15magaalo iyo tuulo iskugu jira ayna ka mid haayeen.

Iskuulka Hose/ Dhexe Ee  Magaladda Bud Bud

Waxgaradka Bud Bud iyo Duraan, Shuuke

Waxgaradka Bud Bud iyo Hay'adaha HR,Sosda
Hal iyo Nirig  Deegaanka Bud Bud  Wadada Soo Gasha Bud Bud, Dhul Dooga

Dajimaale,Xingod,Budbud,Afwayn,iiaan,Kalad,Labad,Hobyo,Gawaan,Wasil, Celdibir, Xero-dhagaxley, Afgaduudle,Hadile iyo Celguula,

Dhamaan deegaanadaas aan soomarnay oo si weyn nalagu soo dhaweeyay ayaa waxaa kajira baahiyo aan lakoobi Karin aydoo hayadaha samafalku aysan horay wax uga qaban ayaa hadana waxaa ugu darsantay abaaro saameeyay daaqii xoolaha iyo kaluumaysigiiba, ayadoo inta badan. baahiyaha deegaanadaas ay isku mid ka yihiinxaga biyaha,caafimaadka, waxbarashada iyo cuntada.

Wariye Cabdalle Max'ed Cabdille

Doomo yaala Xeebta Hobyo

Doon Rinji la marinayo ee Xeebta Hobyo

Magalda Bud-bud oo waxay ka mid ahayda goobihii aan tagnay waxaana ka dhisan iskuul iyo isbitaal ay dhiseen jaaliyadda dibada ee udhalatay deegaanka hase yeeshee waxaa deegaanka laga dareemayaa caafimaad dari iyo waxa barsho’la’aan iskuulka waxa dhigata arday aan sidaasi ubadanayn mana jirto ha’ad taakulaysa isbitalkana sidii loo dhisayba waa iska xiran yahay oo wax shaqo ah oo lagu qabtay ma jiraan.

Madaxa Hay'ada  ( HR) Duraan Cali  oo Taagan Xeebta labaad Ee Hobyo State

Waxaan kaloo marnay iidaan iyo afweyn oo ah deegaano xeebta saran deeganka afweyn waa iska cidlo oo wax degan ma jiraan halka iidaan oo hobyo ujirta 120km ay degan yiihiin dad aan sidaasi ubadanayn waxaa iidan ku yaal warshad yar oo la dhisay sandii 2000.uuna dhaay nin ka mid ahaa ganacsataii xeebta isla markaasina in yar uun shaqaynaysay sida uu ii xaqiijiyay cabdi risaaq xabeeb oo safarka nag wehliayay kana mid ahaa shaqaalihii ka shaqayn jiray warshada ayaa waxaa ka muuqda bur bur xoogan sida aad ka daremaysid sawirada aan ka soo qaadnay. Halka loo yaqaan hobyo –on ayaan marnay oo ah meel uu ka qodan yahay ceel shidaal uu ameerikaanku qoday kontomeeyadii waxaana ku aragnay meesha uu ceelku ku duugan yahay oo waxaa marsan shub sida aad ku arkaysid sawirada hobyowan.

Warshad Kaluunka oo dhisme ku socdo

Madaxda  oo dhextaagan  Warshada Kaluunka

Qaboojiyaha oo Wali shaqo ku socoto

Deegaanka kalad oo aan sidoo kale sii marnay ayaa waxaa iyana degan labaatmeeyo qoys waxana daka deeganka kalad aad uga cabanayaan bioyo la’aan ka jirta deeganka oo waxaa ku yaal ceel biyood laakiin biyihiisu ay yihin dahaan isda bada aoo kale ah sacdiyo sheekh xuseen waxay ka mid tahay dadka ku nool deeganka kalad waxayna iiga warbixsay dhibatooyinka haysata aydoo ii sheegatay in mudo afar sano ah oo daganaayeen aysan helin wax gar gaar ah iyo macaawino toona ha’adha samfakuna aysan soo gaarsiin waa kaalmo ah aydoona codsatay in lala soo gaaro macaawino. Odayaasha deegaan kalad oo aan sidoo kael kula kulanay aql soomaali u dhaw kalad ayaa xaqiijiayay baahida ka jirta deegaanka kalad.

Mudadii aan ku guda jirnay socdaalka ukuurgalka arimaha bini aadanimada deegaanadii aan soomarnay waxayaabihii aan lakulanay waxaa kamid ahaa Labad oo hobyo u jirta 30km ayaa dadaka ku nool aad uga cabatay Cudurka TB oo dadbadan uga dhintay sida ay noo sheegeen , arintaas waxay nagu dalisay argagax maadaama aan ognahay in Gobolka ay ka jiraan goobo lagu daaweyo lacag la,aan Cudurka TB ayadoo waliba hay’ada MSF-Holand ay bukaanada aysiiso cunto iyo daawo ku filan inta ay daawadu usocoto, odayaasha deeganka labad aan kula kulanay, waxay noo sheegeen in daawada tuulada lagu gadaa ay ugu badantahay Rifertar oo ah daawada loo isticmaalo TB markasta uu qofku qufac dareemana uu soo gato 4 xabana ka laqo, waxay ii sheegeen in ay jiraan dad gaalkayo loo dhigay laakin lageeyay isbitaalada gaarka ah, waxaan waydiiyay in ay og yihiin in ay MSF-H ay joogto gaalkacyo dawada TB lagu daaweeyo lacag la,aan, waxay ii sheegeen in dadka deegaanku aysan ehel ku lahayn gaalkacyo waxaana naloo sheegay ayay yiaraahdeen in MSF-H aysan bixin daawo laqaato mana awoodn in aan mudo dheer gaalkacyo joogno.Agaasimaha ururka SOSDA shuuke xogolof oo safarka nagu wehliyay ayaa isla markaasina hawlaha uu hayo ay kamid tahay Daawaynta TB iskana kaashadaan MSF-H waxuu odayaasha deeganka labad u sheegay in ururkiisu siin doono waqti dheeri ah si uu ugu kuurgalo dhibatada cudurka TB ee ay ka cabteen odayaasha deeganka labad isla mar ahaantaasina baaritaan caafimaad loogu sameeyo

Waxaana arintasi soo dhaweeyay odayaasha iyo wax gardka deeganka labad.

Magaalda faca weyn ee hobyo oo aan sidoo akel safrakeena ku so marnay ayaa ahad meel hawleheedu caadi usocdaan sidoo kalana nabad galyo wanaagsan ayaa ka jirta hobyo waxaad arkaysaa cidamo labisan daryska ciidamda poliska oo gaaf wareegaya wadooyinka magaalda hobyo waxaana ciidamaas qaar kood dhawaan laga qaaday magaalda galakcyo si ay uga hawl galaan gobolka hobyo.sidoo kale xeebta hobyo oo aan booqanay waxa ka socday shqada kaluumaysiga in kasta oo ay xiligaan aad u yar tahay wax soo saarka sida ay iisheegeen daka ka shaqaysata bada waxaase ubada xiligaan libaaxa oo aan arkay hilibkiisa oo lagu qaljinayo banaanka xeebta hobyo.

Dainaca wax barshada markii aan eegno waxaan booqanay iskuulka H/Dhxe ee magaalada hobyo oo xiliagaas ay ardadu wax barshadooda ku guda jireen macalimiinta ayaan la kualan waxay noo sheegeen in wax barshadu ay caadi usocoto waxyse macalimiintu xuseen in ay ku shaqeeyaan mushaar la’aan oo aysan jirin cid wax siisa duraan cali dabaadi gudoomiyaha uirurka hobyorelif ayaa usameeyayacalimiinta balan qaad ah inuu bixnayo mushaarka macalimiinta ururkiisa taasoo ay soo dhaweeyeen macalimminta wax ka dhigta iskuulka hobyo oo ah sadex macalin.sidoo akle maamulka gobolka oo ay kulamo la qaateen masu’uliyiinta ururda SOSDA iyo HOBYO Relif Shuuke iyo duraan ayay maamulku ka war bixiyeen xaalda nabd galyada iyo waliba sida ay usocdaan hawlaha waxayna sheegeen masuliyiintuin ay aad uwaangsan taha xaaldaha guud ee magaalda hobyo wax kastana ay usocdaan sidii loogu talagalay.waxaana ka mid ahaa masuuliyiinta gobolka hobyo ee kulan ay wada sheen ayga iyo kuwa ururada.

Wasiirka galuumaysig iyo kahyraadka badda dawlad goboleedka gal-mudug Satate Mudane Max’d Axm’d Sahal,Taliyaha booliska gobolka hobyo ahana kusimaha gudoomiayaha gobolka munadane Nuur jaamac cilmi Nur feera dhagax,iyo masuuliyiin kale oo katirsan wax gardka deegaanka hobyo waxna la isla gartay in ururada samafalka iyo maamulka ay iska kaashadaan hor’umarka gobolka hobyo.

Ugudanbayn safrkii kormeerka ahaa ee aan ku soo marnay deeganda dawlad goboleedka gal-mudug gaar ahaan deegaanada gobolka hobyo ayaa noogu soo dhamaaday si wanaagsan angoona galakcyo ka soo galnay dhinaca waada ubaxda hobyo ee ka bxda magaalda galakcyo ee xarun goboleedka gal-mudug Satate.

 

Cabdalla Max’d cabdille

Xaafiiska hobyoradio

Galkacyo,Gal-Mudug State of SOMalia,

Mobail:002521 62270923

cabdalla45@hotmail.com

Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@gmail.com