Maxaakiimta oo Caalamka u sheegay in aysan dhex dhexaad ka ahayn dagaalka ka socda Soomaliya aygoo iska indha tiraya Ciidamda Ethiopia ee dagaalkaas wada

Sabti,Dec,23,2006

Shir jara'id oo ay Maanta qabteen Maxaakiimta Islaamiga ah ayay ku sheegeen in uusan Caalamku dhex dhexaad ka ahayn dagalka ka socda gudaha Soomaaliya ayadoo caalamku ay sheegayaan dagalo ka dhexeeya dhinacyo Soomaali ah balse arrinku usan sidaas ahayn oo waxa dagalku ka dhaxeeyo ay yihiin Soomaaliya iyo Ciidamo Ethiopian ah oo ku soo xadgudbay gudaha dalka Soomaaliya kuwaasoo doonaya in ay qabsadaan dalka Soomaaliya.

Shirtkaan Jaraa'id oo uu ka hadlay ku xigeenka Guddoomiyaha Golaha Fulinta Maxaakiimta Sheekh C/man Maxamed Farax Janaqow ayaa sheegay in Calamku iska indha tirayaan dagaalkaaan udhaxeeya Ethiopia iyo Soomaliya waxaana u aragnaa in Caalamku dhex dhexaad ka ahayn dagaalkaas ayagoo aan ka sheegay waxa dhabtu tahay.

Sheekh Janaqow waxa uu ka codsaday Calamka in ay ka run sheegaan waxa ka jira gudaha Soomaaliya waxaana dagaalka wada waa Ethiopia, anaguna waxaan nahay dal lagu soo duulay oo la leeyahay Samirkii waa dhamaaday oo intaa ka badan uma dulqaadan karno in aad iska kaaya difaacdaan.

Waxaa nala kaga soo duulay dhanka dhulka, Cirka iyo dhan kasta oo la awoodo in nala kaga soo duulo waxaana anagu u diyaar garownay in aan iska difaacno Tikreeda gardarada cad ku socota, Calamkana waxaan u sheegaynaa hadii ay wax ka qaban waayaan waxa hada jira ma waxa ay rabaan in marka aan dhex galno dalka Ethiopia in ay qayliyaan oo yiraahdaan war ka baxa dalkaan.

Shirkaan ayay Maxaakiimtu qabteen ayadoo qaar ka tirsan dowlada Caalamku ay warbixino ka soo saareen dagalka ka soconaya Gobalka Baay oo ay ku sheegeen in uu dhex marayo Ciidamada Maxaakiimta iyo kuwa dowlada ku meel gaarka ah taas oo ay Maxaakiimtu ad uga xumaadeen ayagoo sheegay in aysan wax dagaal ah ka dhaxayn ayaga iyo kuwa dowlada ee ay la dagalamayaan Ciidamda Ethiopa.

Shirkaan jaraa'id ayaa ku soo aday xilli ay Maxaakiimtu soo bandhigeen Sawirada iyo Teesarayaasha Askar Ethiopian ah oo lagu layay dagaal dhexmaray Ciidamada Maxaakiimta iyo kuwa Ethiopian ah.

Caamir Muuse.Muqdisho

Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@hotmail.com