![]() |
|
![]() |
|
|
||
|
Bayaan ay
soo saartay Wasaarda Arrimaha
Dibadda ee Ethiopia oo ay ku
sheegtay in Ethiopia Samirkii ku
yaraaday.
Sabti,Dec,23,2006 Ethiopia ayaa sheegtay in Samirkii uu ku yaraaday dowlada Ethiopia mar ay ka hadlaysay dagaalka ka soconaya gudaha Soomaaliya oo ay cadeeyeen Ethiopianku in uu halkaas ka soconayo dagaal qaraar oo ay dad badani ku la'deen ayadoo dagaalkaasi galay Maalintii shanaad. Ethiopia ayaa wali in kirsan in Ciidamadeedu ay ka dagaalamayaan gudaha dalka Soomaaliya ayadoo haddana ku doodaysa in uu samirkii ka dhamaaday aydoo Maxaakiimtuna ay soo bandhigayaa caddeymo ku saamsan in Ciidamo Ethiopin ah ay la dagaalamayaan ayadoo saxaafada la geeyay goobaha dagaalka . Ayadoo Qaramada Midoobayna Caddeysay in ay Ciidamo Ethiopian ah oo gaaraya 8,000 oo askari ka joogaan gudaha Soomaaliya, ayadoo ay jiraan in wariyaaal ka tirsan BBC da oo dhawaan la socday Wafdigii Midowga Yurub ee soo gaaray Baydhabo ay sheegeen in ay arkeen Ciidamo Ethiopian ah oo ku sugan inta u dhaxaysa garoonka iyo Baydhabo. hadalkaan ayaa ku soo aaday ayadoo maanyta uu xirnaa garoonka diyaaradaha ee Baydhabo oo loo diiday in diyaarado ka soo dagaan ayadoo ay ka dagayeen Diyaarado Ethiopian ah oo dajinaya Saanad Milatari qaadayana dhaawacyo Ciidamadooda ka soo gaaray dagaalka ay kula jiraan Maxaakiimta Islaamiga ah. Ciidamada Ethiopia ayaa xiray wadooyinka ku dhow dhow Garoonka diyaradaha ee Magaalada Baydhaba ayagoo Ciidamo cusub dhigay dhinacyada soo gala Garoonka ayadoo loo diidayay dadka iyo gaadiidkaba in ay u soo dhawaadaan meelahaas, dadka u dhow dhow ayaana sheegay in ay ka joogi la'yihiin guux diyaaradaha Ethiopianka ah oo dagaya kacayana . Caamir Muuse.Muqdisho Hobyo Radio News Media |
||
|
Contact: hobyoradio@hotmail.com |
||