![]() |
|
![]() |
|
|
||
|
Maxaakiimta oo ugu baaqay
Muslimiintu in ay ka dagaalami
karaan gudaha Soomaaliya
Sabti,Dec,23,2006 ayadoo dagalo qaraar ay Maanta ku dhex mareen deegaano ku dhow dhow Iidaale oo ay Maxaakiimtu sheegeen in ay guulo ka gaareen ayaa dagaalku galay maalintiisi 5 aad ayay sheegeen Maxaakiimtu in ay dharbaaxo xoog leh la heleen Ciidamada Ethiopia, asagoo maalinba maalinta ka dambeysa ka soo kulu laanaya ayadoo dhinacyada isku haya ay sheegayaan in qolo walba aysan wali dagaalka si wanagsan u soo galin. Ethiopia oo maanta sheegtay in aysan udulqaadan doonin dagalka intaas wax kabadan, ayaa hadana dalka Eretrea uu markale diiday in uu wax gacanku leeyahay dagaalka ka socda dalka Soomaaliya. ayaa maanta Maxakiimtu sheegeen in ay ugu baaqayaan Muslimiinta Caalamka in ay ka dagaal kali karaan gudaha Soomaaliya oo ay ka qayb gali karaan dagaalka Jihaadka ah ee Islaamka Soomaaliya uu kula jiro Gaalada Tikreeda. Xoghayaha Ammaanka ee Maxaakiimta Sheekh Yuusuf Indha-cadde ayaa sheegay in ay muslimiinta u furan tahay in ay ka qayb qaataan Jihaadka ka socda Soomaaliya, waxa uuna sheegay in ay diyaar u yihiin in ay caalamka tusaan oo geeyaan goobihii lagu dagaalamay oo ay tusayaan Aqoonsiyadii, Lambaradii iyo Maydadkii Ciidamada Ethiopianka ah ee halkaas ku la'day. Waxa uuna sheegay in ay dagaalkii ay Maanta la galeen Ciidamda Ethiopia ay u geysteen jab iyo halaag adag waana tan ka keentay in ay Ethiopia oo is qarinaysay ay sheegto in aysan u dulqaadan doonin dagaalka waxii intaas ka badan, ayagoo ku baaqay in ay dagaal ku soo qaadi doonaan dalka Soomaaliya. Hanjabaadaasna waxba nagama nadali doonto marka aan ka sarno Soomaaliyana waxaan u sii jeednaa Addis-Ababa oo aan doonayno in aan ka xoreyno dadka kale ee la haysto. aydoo ay hay'adaha Xaquuqul Islaamka ay ka codsadeen dhinacyada dagaalka in ay xaq dhowraan dadka maatada ah ee deegaanadaaas ka dhow dhow hadii ay dagaalku gaaro. Caamir Muuse.Muqdisho Hobyo Radio News Media |
||
|
Contact: hobyoradio@hotmail.com |
||