|
Mahad Gaara Abwaan Calideeq oo xuquuqda Sawirada leh. By. C/aziz Xogolof |
W.Q. Calideeq Max’ed Xaashi.
Waraysi aan la yeeshay isku-dubaridaha hawlaha mashaariicda ee
ururka
horumarinta iyo dib udhiska Somaaliyeed (SDRO) Mr. Cumar Ibrahim
Sabriye
(Cumar Islawayn) ayaa iigaa waramay mashaariic ay ka hirgaliyeen
Koofurta
magaalada Gaalkacyo.Ayna maalgalisay hay’adda UNICEF ee Qaramada
Midoobay.
.JPG) |
|
Madaxda Hay'ada SDRO Mr. Cumar Islaweyn iyo Mr. Cali Dahir |
.JPG) |
|
Ceelkii Hore oo dadku ay dhibanaayeen |
Mashaariicdaas oo ka koobnaa dhismaha 100 musqulood iyo
dayactirka
20 ceel-gacmeed. Kuwaas oo laga hirgaliyey xaafadaha
Garsoor,Wadajir iyo
Horumar oo ka tirsan koonfurta Gaalkacyo.
 |
|
Dadkii deegaanka Masuuliyiinta
SDRO oo ka cabaya ceelka la dayactiray |
.JPG)
Xaafadahaas oo ay ku badanyihiin dadka soo barakacay(IDP) iyo
kuwo
danyarta ah oo aan awood u lahayn in ay dhistaan musqulo ama ay
helaan biyo la cabi karo.
.JPG) |
|
Musqulihii la dhisay oo ay kormeerayaan Masuuliyiinta Ha'ada
SDRO
|
.JPG) |
|
Musqulihii la dhisay oo ay Dadweynihu isticmaalayaa |
Mashaariicdaasi waxay qayb weyn ka qaadanayaan Fayo-dhawka iyo
sare u qaadidda caafimaadka bulshada. oo dhibaato farabadan ku
qabay
saxarada ay bannaanka dhigayeen caruuraha aan musqulaha haysan.
Waxaa intaas dheer sideed ceel gacmeed oo ay dayactirkooda iska
kaashadeen hay’adda CARE International iyo uruka SDRO oo iyana
laga hirgaliyey isla deegaanada kor aan ku soo xusay.
Dad weynaha ku dhaqan Koofurta magaalada Gaalkacyo ayaa
durbadiiba dareemay muhiimadda ay lahaa mashaariicdaas u
leeyihiin. Taas oo ay ka faa’idaysteen dad ka badan 1100 qoys.
Ama 5500 qofood. Kuwaas oo maanta haysta musqulo iyo biyo la
cabbi karo. waxayna mahad-celin u jeediyeen cid kasta oo gacan
ka gaysatay fulinta mashaaciicdaas. oo ah Inta aan ka war-hayo,
kuwii ,ugu horeeyey oo noocooda ah oo laga hirgaliyay Koonfurta
magaalada Gaalkacyo, oo ah Xarunta Dawlad-Goboleedka
GalMudug.
.JPG)
Calideeq Max’ed Xaashi.
nabadda1@hotmail.com
0025290751239
Gaalkacyo,
Galmudug State of Somalia