![]() |
|
![]() |
|
|
||
|
Warar lagu kalsoonyahay ayaa
sheegaya in dagaal culus oo sadex
geesood ahi saaka ka bilowday
Bandiiradleey iyo Sedex-Xiglo,
Hiiraan iyo Baay kasoo u dhaxeeya
Maxkamadaha islaamka
Somaaliyeed iyo Itoobiya
WAR DEG DEG AH. Axad,24,2006 Gaalkacyo,Somalia Dagaalo qaraar ayaa saakay waabarigii ka qarxay deegaanka Bandiiradleey ee gobolka Mudug, kaasoo u dhaxeeya golaha maxkamadaha islaamka iyo kuwa Ethiopia oo kaashanaya ciidamada Puntland iyo Col. Cabdi Qeybdi Afhayeenka maxkamadaha islaamka ee gobolada dhexe Sheekh Max'uud Jimcaale Cago-weyne uu ku eedeeyay in dagaalka ay ku soo qaadeen ciidamada dowladda Ethiopia. Afhayeenka waxa uu sheegay in diyaarado dagaal oo ay leeyihiin ciidamada Ethiopia ay ku sugan yihiin garoonka diyaaradaha ee magaalada Galkacyo, iyadoo ay suurto gal tahay in ay adeegsadaan. sidoo kale waxaa isna dagaal culusi ka socdaa degaanka Deynuunaay ee gobolka baay oo maalintii 6 dagaal goos goos ahi kajiray, waxaana daryanka Madaafiicda goobaha laga maqlayaa deegaanada ku dhaw Aagaga Dagaalka. Dhinaca kale magaalda Baladweyn ayaa la xaqiijiyey in Saakay dagaal uu ka qarxay gobalka Hiiraan kaas oo u dhaxeeya ciidamada Maxaakiimta islaamig ah iyo kuwo Itoobiya, waxaan daryanka Madaafiicda laga maqlayaa tuulooyinka ku dhow goobaha dagaalku ka socdo.C/aziiz xogolof Hobyo Radio News Media |
||
|
Contact: hobyoradio@hotmail.com |
||