Dagaalo qaraar oo dhaxeeya Soomaaliya iyo Ethiopia oo adeegsanaysa diyaaradaha dagaalka iyo Taangiyo ayaa Maanta ka soconaya gudaha Soomaaliya.

 Axad,24,2006 Somalia

Dagaalka ayaa maanta ka duwanaa dagaaladii hore uga dhacay qaybo ka mid ah Gobalka Baay ee dalka Soomaaliya kaasoo lagu dagaalamayay Gawaarida dagaalka iyo Ciidamada Lugta balse kan Maanta waa ka duwanaa kuwii hore waxaana si toos ah ucaddeystay dowlada Ethiopia oo horey dhowr goor u diiday in Ciidamadeedu ka dagaalamayaan gudaha dalka Soomaaliya.

Dagaalada ayaa waxa ay kala dhaceey deegaamada Iidaale, Daynuunaay, Bandiiradley iyo qaybo ka tirsan Gobalka Hiiraan, Iidaale oo dagaal qaraari ka dhacay ayaa saacado ka dib iskiis u istaagay ayadoo qolo waliba ku mashquushay sidii ay dhaawaceeda iyo dhimashadeeda u aruursan lahayd.

Dhanka Daynuunaay ayaa ayana dagaal adag oo faraha la iskaga gubtay uu saaka ka dhacay ayadoo Maxaakiimtu sheegayaan in ay guulo ka gaareen deegaankaas markii ay ciidamada Ethiopianka faraha isisaareen.

Dhanka Bandiiradleey oo saaka aroortii hore uu dagaalku ka qarxay ayaa wali ka jirtaa dagaal goos goos ah waxaana la isku adeegsadey Madaafiicda ayadoo Ciidamada Ethiopianka ahi ay gadaal isaga riixeen kuwii Maamulka Putland iyo kuwii Cabdi Qaybdiid intaba ayagoo aamini la’ .

Dagaalka xoogiisa ayaa saaka ka dhacay Gobalka Hiiraan oo saaka aroornimadii ay Ciidamda Ethiopia ku soo qaadeen dagaal bareer ah kuwaasoo adeegsanayay diyaaradaha dagaalka ee Miiga loo yaqaan oo duqayn xoogan u geystay goobihii dagaalku ka socday iyo waliba ayagoo si gaar u duqeeyay Magaalada Balad-weyne oo ay ku nool yihiin dad badan oo rayid ah ayadoo oo aan u aabayeelayn maras iyo dadka kale toona.

Goobaha aya diyaaraduhu duqeeyeen oo Magaalada bartamaheeda ah ayaa la sheegayaa in ay ku geeruyoodeen laba ruux ayadoo dadkalena ku dhaawacmeen ayaa diyaaradahaani aysan wax u gaysan sidii ay wax u duqeeyeen ayadoo dadka Magalada Balad weyne oo waayahaan aan arag diyaarado dagaal ayaa ka qaaday argagax.

Aydoo Maxaakiimtu sheegayaan in dagaalka ka dhacay Hiiraan ay kaga adkaadeen Ciidamadii Ethiopia ee weerarka soo qaaday saaka ayna ka qabteen 12 askari oo Ethiopian ah ayagoo Maxaakiimtu sheegeen in ay dib uga qabsaden goobihii ay saaka diyaardaha ku qabsadeen.

Caamir Muuse.Muqdisho

Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@hotmail.com