Maxaakiimta oo Sheegay in dagaalkii Maanta ay la galeen Ciidamada Ethiopia ay ka qabteen 12 askari

  Axad,24,2006 Somalia

Maxaakiimta islaamiga ah ayaa sheegay dagaalkii ay la galeen Ciidamada Ethiopia eek u soo duulay dalka Soomaaliya in ay ku qabteen 12 askari oo Ethiopian ah, markii ay fooda isku dareen deeno ka tirsan Gobalka Hiiraan.

Dagaalkaan ayaa saakay Ciidamada Ethiopia ku soo qaadeen dalka Soomaaliya ayagoo adeegsanaya diyaaradaha dagaalka waxayna dhaawacyo u geysteen wadooyinkii uu gaadiidku mari jiray iyo wali Magaalada Balad weyne oo ay ku dileen dad rayid ah.

Xoghaya guud ee Golaha Shuurada Sheekh Maxamuud Sheekh Ibraahim Suuley ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay ku sheegay in ay 4 kaare ka gubeen dagaalkii ay saaka la galee Ciidamda Ethiopia dagaalkii ka dhacay Daynuunaay in kastoo uu sheekhu xusay in dagaalo kalena ay ka kala dhaceen deeno kala duwan oo dalka Soomaaliya ah.

Sheekha ayaa sheegay in duulaankii ay soo qaadeen Ciidamada Ethiopia ay ku jabiyeen ayagoo dagaalka ka soo qaaday aagag badan sida Bandiiradley, Jawiil iyo kala bayrka oo isku aaga, Daynuunaay iyo Iidaale oo hdamaantood looga guuleytay Ciidanka Caddowga.

Sheekha ayaa xusay in ay diyaarado ku soo weerareen oo ay duqayn u gaysteen dad maato ah, Waxa uuna ka codsaday Ciidamada Soomaaliyeed ee jira dhan Ethiopianka in ay soo galaan dhanka Soomaalida oo ay cafis yihiin si ay u daafacaan dalkooda waxa dagaalamayana waa Soomaaliya iyo Ethiopia.

Dhanka kalana waxaa isna ka ka hadlay dagaalka ka socda Bandiiradleey Afhayeenka Maxaakiimta Maxamed Maxamuud Caga-weyne oo sheegay in dagaal adag ay la galeen ciidamada Ethiopia eek u soo duulay Soomaaliya waxa uuna sheegay in ay dagaalamayaan Maxaakiimta iyo Shacabka oo Meel ah iyo Ciidamda Ethiopia oo meel ah.

Caga-weyne ayaa sheegayindagaalka lagu soo qaaday subaxdii hore abaaraha saacadu markay ahayd 4:30 saq dambe ee xalay,waxa uuna xusay in Ciidamo kale oo Ethiopian ah iyo diyaarado ay ku sugan yihiin Garoonka Magaalada Gaalkacyo inkastoo uu sheegay in dhankooda aan wali diyaarado loo isticmaalin, waxa uuna ugu baaqay dadka Soomaaliyeed in ay ka qayb qaataan Jihaadka.

Caamir Muuse.Muqdisho

Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@hotmail.com