![]() |
|
![]() |
|
|
||
|
Ethiopia oo qiratay in ay ku jirto dagaalka ka socda gudaha Soomaaliya aydoo dhowr goor harey u diiday Axad,24,2006 Wasaarada Arrimaha Dibadda ee dalka Ethiopa ayaa sheegtay in gacan ku leedahay dagaalka ka socda gudaha dalka Soomaaliya oo ay ka qayb qaadanayaa dagaalkii maanta ka dhacay gudaha dalka Soomaaliya. Ethiopia ayaa caddeysay in Ciidamdeedu ka dagaalamayaan gudaha Soomaaliya ayadoo sheegtay in ay taas u samaysay cabsi ay ka qabto in ay usoo gudbaan kooxha mintidiinta ah oo ay ula jeedo Maxaakiimta islaamiga ah, waxayna sheegtay in loo baahan yahay in laga hor tago intii la sugi lahaa in ay deegaanada Ethiopia ka soo galaan. Ethiopia ayaa Maanta dhowr goobood oo dalka Soomaaliya ka mid ah ka soo qaaday duulaan ayadoo adeegsanaysa diyaaradaheeda dagaalka ee Miiga iyo Helokobtarkaba, waxayna qasaaro u geysatay dad Maato ah oo ay duqaysay waxayna weerar dhulka ah ku soo qaadaadeen deeganada Bandiiradleey, Daynuunay, Iidaale iyo Jawiil. Diyaaradaha dagaalka ee maanta ka qayb qaatay duqaynta dhulka Soomaaliya ayaa ahaa 8 diyaaradood oo afar afar u socday ayagoo isbadalayay waxayna kaarayaal ku soo harqiyeen deegaanada ay dagaalka ku soo qaadeen ee ay ku soo gardaroodeen. Maxaakiimta ayaa sheegay in ay Maanta gacanta uga dhigeen Ciidamda Ethiopian ka ah 12 askari oo Ethiopia oo maxaabiis ahaan ay uqabteen, taas ayayna war ka dhihin dowlada Ethiopia ayadoo caddeysay in ay dagaalka qayb ku leeday oo Ciidamadeedu ka dagaalamayaan gudaha Soomaaliya. Caamir Muuse.Muqdisho Hobyo Radio News Media |
||
|
Contact: hobyoradio@hotmail.com |
||