Diyaaradaha dagaalka ee Ethiopia oo Saakay weeraray Garoonka Diyaaradaha Muqdisho iyo Garoonka Balidoogle ayadoo ay wax yar kadib soo gaareen Muqdisho labada Mas’uul ee ugu sareeysa Maxaakiimta

 Isniin,25,2006

Diyaaradaha dalka Ethiopia ayaa Maanta Gantaal ku riday Garoonka Magaalada Muqdisho ayagoo aan la garanayn halka ay ka soo duuleen inkastoo la garanayay in ay diyaaradahaasi yihiin kuwa Ethiopia, haddana ma jirin wax iska cabin ah oo ay la kulmeen dyaaradaasi waxayna gantaal ku hubsatay Garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Gantaalkaan ayaan geysan wax sidaas u weyn oo qasaaro ah ayadoo ilaa hadda la hubo in ay ku dhaawacmatay Gabar ka tirsaneed qaybta nadaafada, ayadoo xilligaas aysan garoonka joogin wax dayuurado ah.

Sheekh Xasan Daahir iyo Sheekh Shariif Sheekh axmed ayaa saacad kadib ka soodagay Garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ayagoo wata diyaarad qaasa oo aydoo aan la shaacin halka ay ka soo duuleen, wararka la isla dhex marayo ayaa sheegaya in diyaaradaasi ka war heshay wafdigaan oo sidaas uu ahaa ujeedkeedu, qaarna waxa ay leeyihiin waxa ay ka dhabaynayaan Ethiopianku hadalkii Cali Geedi uu ku sheegay in ay xiri doonaan Garoonka iyo Dakada oo Cid aan dowlada amar ka haysan aysan ka dagi Karin labadaba.

Sidoo kale diyaaradaha dagaalka ee Ethiopia ayaa garaacis ku sameeyay Garoonka diyaaradaha ee Bali-doogle oo la soo sheegayo in qasaaruhu aad u yaryahay, waana markii ugu horeysay ee diyaaradaha dagaalka ee Ethiopia ay weerar ku soo qaadaan Garoomadaan .

Waxaa arrinkaan ka hadlay Xoghaya Dib-u-dhiska Maxaakiimta Inj.Cumar Afdooje oo sheegay in ay tahay gardaro caddaan ah oo lagu soo qaaday Soomaaliya, godobna Soomaaliya laga galay, Cidna ma aanan weerarin Cidna Cadow kama aanan dhigan, Markii aan dhibka ka soo baxnay ayaa nala soo weeraray taas oo caddeynaysa sida aan raaliga looga ahayn in aan dhibka ka baxno.

Waxaa jira Cadow joogta ah oo markii aan Madaxa sooqaadno dagaal nagu soo qaadaya, haddii marka ummadu tahay mid danteeda taqaan uma dhutinayso meel la garaacay wax ay qiimo ah oo sidaas u weyna ma leh hadaan dib u dhisaynaa, marnaba ma ka tanaasuli doono ujeedkeena ah in aan dadkaan iyo dalkaan badbaadino.

Waxa uu sheegay Afdooje haddii ummadu Samir yeelato in ay gaarayaan waxa ay doonayaan oo ujeedo ah oo ah in dadka Soomaaliyeed isku dhaqaan Diinta islaamka  oo la isku xukumo Shareecada Islaamka dadka iyo dalkana laga difaaco Cadowga ku soo duulay.

Caamir Muuse.Muqdisho

Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@hotmail.com