![]() |
|
![]() |
|
|
||
|
Maxaakiimta oo ku tilmaamay Weerarkii diyaaradaha Ethiopia ay ku soo qaadeen Muqdisho mid dadka Soomaaliyeed u muujinaysa Cadowtinimada Ethiopia Isniin,25,2006 Mas’uuliyiinta Maxaakiimta ayaa ku tilmaamay weerarkii gardarada ahaa ee diyaaradaha dagaalka ee dalka Ethiopia ay ku soo qaaday Maanta Magaalada Muqdisho mid cadeynaysa Cadowtinimada ay Ethiopia u qabto ummadda Soomaaliyeed. Ku xigeenka Guddoomiyaha Golaha Fulinta Maxaakiimta Sheekh C/maan Maxamuud Janaqow oo Maanta Shir jaraa’id ku qabtay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho ayaa tilmaamay Cadowtinimada ay Ethiopianku u qabaan ummadda Soomaaliyeed, ayna iska difaaci doonaan cid kasta oo soo weerarta dalka Soomaaliya, haddana ay wadaan sidii ay iskaga difaaci lahaayeen cadowga Ethiopianka ah eek u soo xadgudbay dalkooda. Sheekh C/maan Janaqow ayaa sheegay inaysan ahayn weerarkaan kii ugu horeeyay ee ay Diyaaradaha Ethiopia ku soo qaadaan dalka Soomaaliya, waxa uuna xusay kii shalay ay diyaaradaha Ethiopia ku soo qaadeen dhowr meelood oo ka tirsan dalka Soomaaliya, ayadoo markasta Ciidamda Soomaaliya ay diyaar u yihiin sidii ay iskaga daafici la haayeen gardaradaas Ku xigeenka Guddoomiyaha Golaha Fulinta Sheekh Janaqow ayaa yiri Weerarkaan ayaa ka mid ahaa isku day ay horey u sheegeen dowlada Ethiopia in ay doonayso in ay qabsato dalka Soomaaliya oo ay muddo dheer ku taamaysay taasoo ay hadda u fududeynayaan dad Soomaali ah. Sheekh C/maan Janaqow Mar uu ka hadlayay qabsashada Balad weyne ee Ethiopianka ayuu sheegay in ay dib ugurasho dagaal sameeyeen ayadoo loo danaynayo dadka Shacabka ah markii la ogaaday in aysan diyaaradaha dagaalku ka daynayn duqaynta ayaan Magaalada uga baxnay waana agjoognaa ee kama fogin, Sheekh C/maan Janaqow ayaa ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed in aysan ku soo aruurin meesha ay diyaaraduhu wax ku dhuftaa marka ay diyaarado soo weeraraan asagoo ka hadlay markii uu arkay dadkii saakay isugu soo xoomay Garoonka oo uu sheegay in Cadowgu soo laaban karo markaas ay dhib tahay dad badan oo meel dhooban. Caamir Muuse.Muqdisho Hobyo Radio News Media |
||
|
Contact: hobyoradio@hotmail.com |
||