Dowlada dabadhilifka ah oo sheegtay in ay Xiran yihiin Xuduudaha Cirka iyo Badda, aduunkuna ku taageero sidii go’aankaas u meel mari lahaa

 Isniin,25,2006

Dowlada Soomaaliya eek u deel gaarka ah oo naf iska dayaysa maalmahaan ayaa Maanta sheegtay in ay xirtay Xuduudaha Cirka iyo Badda ayadoo waliba raacisay oo aan intaas uga harin in wadamada aduunku ay taageeraan Go’aankooda si ay u meel mariyaan.

Kulan ay qaateen Golaha Wasiirada ee dowlada ku meel gaarka ah ayay ku soo saareen go’aankaan ay ku xirayaan xuduudaha Cirka iyo Badda ayagoo markaas weydiistay Caalamka in ay go’aankaa si uu usuuro galo ay la fuliyaan, kulankaas ka dibna waxaa saxaafda la hadlay oo warbixintaan siiyay Afhayeenka Dowlada C/maan Diinaari.

Afhayeen dowlada C/maan Diinaari ayaa sheegay in golaha Wasiiradu go’aan ku gaareen in la xiro Xuduuda Cirka iyo Badda waxa uuna raaciyay in ay ka codsadeen in dowladaha caalamka ay hirgaliyaan go’aankaan si uu u meel maro.

Go’aankaan oo ay golaha Wasiiradu la sheegay in ay uga danleeyihiin in ay ku cuna qabateeyaan Maxaakiimta oo dagaal kula jira dowlada Ethiopia, taas oo ay u arkeen Golaha Wasiiradu mid lagu cuna qabatayn karo Golaha Maxaakiimta Islaamiga ah, waxayna sheegeen in aan cid aan amar ka haysan dowlada aysan imaan Karin dakada kana dhoofi Karin kana dagi Karin Garoonka.

Dadka reer Baydhabo ayaa ka muujiyay wal wal dheeraad ah dagaalada ka soconaya dalka Soomaaliya ee u dhaxeeya Ciidamda Maxaakiimta oo ay taageerayaan Shacabka Soomaaliyeed iyo Ciidamada Ethiopia oo ay la socdaan kuwa dowlada.

Caamir Muuse.Muqdisho

Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@hotmail.com