![]() |
|
![]() |
|
|
||
|
Ciidamada Codowga Tigreeda Ethiopia oo la wareegay gacan kuhaynta Magaalada Balad-weyne ee gobolka Hiiraan. Isniin,25,2006 Ciidamada Ethiopia ayaa saakay weerar koodi ka siiwaday deegaano ka tirsan Gobalka Hiiraan ayagoo saakay aroortii hore soo weeraray Tuulada Ceel Gaal, Ciidamadaan ayaa ku hubaysan Gawaarida Gaashaaman ee dagaalka sida Taangiyada iyo ayagoo adeegsanaya Diyaaradaha dagaalka ee Miiga loo yaqaan. Warkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in ay ciidamadaasi Gacanta ku dhigeen Magaalada Balad-weyne oo ay saaka la wareegeen waxaana halkaas ka hadlay Gudoomiyihii hore ee Gobalka Hiiraan Yuusuf Daba-geed oo asagu la hadlay dad isugu soo baxay bartamaha Magaalada asagoo dadka u sheegay in ay ka ganacsan karaan Jaadka, aydoo isla markiiba lagu arkayay Magaalada dad Jaad wata oo raxan raxan ah. Ciidamdaan qabsaday Balad weyne ayaa waxa ay uga sii gudbeen dhanka koonfur-bari ayadoo wararka qaarna ay sheegayaan in ay ku sii jeedaan degmada Buulo-berde, waxaaana la socda guddoomiyihii hore ee Gobalka shabeelada Dhexe Maxamed –dheere iyo Beebe. Dhanka Daynuunaay ayaa saaka ka bilaamay dagaal adag oo u dhaxeeya Ciidamda Ethiopia ee dalka ku soo duulay iyo kuwa Maaakiimta oo ay taageerayaan Shacabka Soomaaliyeed waxaana la sheegayaa in dagaal adag oo dhawaaqa Madaafiicda laga maqlayay Magaalada Baydhabo, ayadoo Maxaakiimtu sheegayaa in ay dagaalkaas saakay ay guul ka gaareen kadib markii ay sheegeen in ay riixeen oo dagaalku hadda ka soconayo inta u dhaxaysa Daynuunaay iyo Baydhabo. Dhanka Bandiiradley ayaa sidoo kale waxaa Maanta ka soconayay dagaalo adag oo u dhaxeeya Ciidamda Ethiopia iyo kuwa Maxaakiimta oo ay taageerayaan Shacabka Soomaaliyeed, inkastoo Maxaakiimtu sheegteen in dagaalkii shalay dhexmaray ayaga iyo kuwa Ethiopia ay diyaarad Helkopter ah uga soo rideen, balse ma jiraan warar kale oo xaqiijinaya. War goor dhow na soo gaarayna waxa uu sheegayaa in Magaalada Galin-soor ay qabsadeen Ciidamada Etiopianka oo ay wehliyaan kuwa Cabdi qaybdiid dagaal adag kadib, wararkaan oo naga soo gaaray dhanka gobolka Mudug ayaa ah mid looqaateen ah. Caamir Muuse.Muqdisho Hobyo Radio News Media |
||
|
Contact: hobyoradio@hotmail.com |
||