![]() |
|
![]() |
|
|
||
|
Guddoomiyaha Golaha Fulinta Sheekh
Shariif Sheekh Axmed ayaa markii
ugu horeysay ka hadlay dagaalada.
Talado,26,2006 Guddoomiyaha Golaha fulinta Maxaakiimta Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta markii ugu horeysay ka hadlay dagaalka asagoo maalintii shalay ahayd kusoo laabtay dalka. Ayaa maanta ka hadlay dagaalka asagoo sheegay in ka soo bixitaanka ay Ciidamda Maxaakiimtu ka soo baxeen deegaanadii ay joogeen ay tahay kaarto dagaal waxa uuna sheegay in ay badaleen qaabkii dagaalka. Waxa uu sheegay Sheekh Shariifin ay difaaci doonaan dalkooda oo uusan dagaalku dhamaan doonin una badali doonaan dagaalka qaab socon doona 10 naan sano, waxaaan go’aan sanay in aan badalano qaabka dagaalka, waxaana ku tala galaynaa dagaal muddo dheer socon doona waxaan fahmaya ninkii fahmi kara. Waxa uu sheegay in dhibaatada ay dowlada Ethiopia u geysanayso dadka iyo dalka Soomaaliya xilligaan in aamisnaanta caalamku in ay muujinayso in uu raali ka yahay in la qabsado Soomaaliya, waxaana u caddeynaynaa Caalamka in aysan jirin dad argagixiso ah oo jooga gudaha Soomaaliya . Waxaana la socodsiinaynaa Caalamka in aysan marnaba Maskaxdooda galin in Ethiopia ay Soomaaliya qabsato, mar uu ka hadlayay gobalada ay ciidamadoodu ka soo baxeen ayuu sheekh Shariif yiri waxaan uga soo baxnayxeelad dagaal maadaama aysan Ciidamda Maxaakiimtu haysan wax ay uga hortagaan diyaaradaha dagaalka ee Ethiopia. Dagaalku waxa uu galay xilli cusub waxaan ka codsanayaa in dowladaha Caalamku wax ka qabtaa xayd xaydashada ay Ethiopia u soo qalab qaadatay in ay bur buriso Soomaaliya, Waxa uuna ka dhawaajiyay in Maxaakiimtu ay qasaro u geysan doonaan Ciidamada Ethiopia inta ay ku jiraan gudaha dalka Soomaaliya. Sheekh Shariif ayaa sheegay shirkii dib uheshiisiinta ee u dhaxeeyay dhinacyada Maxaakiimta iyo Dowlada in uu fashiliyay ra’isul wasaaraha Ethiopia Zanawi, waxa uuna sheegay in ay jireen wadahadadlo ay Ethiopia iyo Maxaakiimtu ku lahaayeen Imaaraadka ayna Ethiopian soo jeediyeen qodoobo aan la asmaci kari sidaas ayuuna ku fashilmay. Caamir Muuse.Muqdisho Hobyo Radio News Media |
||
|
Contact: hobyoradio@hotmail.com |
||