Ciidamada Maxaakiimta ee ka dagaalamayay Gobalada Hiiraan ayaa difaac ka galay Jambileey iyo Kanaalka Shiinaha.

Talado,26,2006 Baladweyn,Somaaliya

Ciidamada Maxaakiimta ee ka dagaalamayay Gobalada Hiiraan oo dagaal adag ka dib usoo ruqaan saday dhan magaalada Muqdisho ayaa difaac adag ka samaystay deegaanka Janbiley iyo Kanaalka Shiinaha ee gobolka Shabeelada dhexe.

Ciidamada Ethiopia oo ay la socdaan kuwa dowlada ayaa u ruqaansaday dhanka Gobalka Shabeelada Dhexe ayadoo ciidamdaan ay la socdaan Guddoomiyihii hore ee Gobalkaas Maxamed Cumar Maxamed dheere, iyo rag kale oo horey hogaamiye kooxeedyo hore.

Ayadoo ay wararku sheegayaan in ay Ciidamo hor leh ay soo gaarayaan Magaalada Balad weyne, ayadoo ay Magaalada Baladweyne Bandow saran yahay Magaalada kasoo bilaabanaya 6:00 Maqribnimo ilaa 6:00 Aroornimo.

Magaalada Jowhar ayaa waxaa ka socda abaabul dagaal oo ka dhan ah Ciidamda Ethiopia oiyo kuwa dowlada oo ku so wajahan dhanka koonfureed ee wadanka Soomaaliya, ayadoo Maxaakiimtuna ay dadaal ugu jiraa sidii ay isaga difaaci lahaayeen Ciidamdaas Ethiopia ee duulaanka ku soo qaaday dalka Soomaaliya.

Ayadoo meelaha Maxakiimtu gacanta ku hayaan ay ka soconayaan abaabulka dagaal ayaa meelaha qaarkood ay xiran yihii goobaha Ganacsiga ayadoo dadka ay tuban yihiin wadooyinka ay si weyn isku wareysanayaan ayagoo hadba is weydiinayaan hadba meesha dagaalku marayo.

Caamir Muuse.Muqdisho

Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@hotmail.com