Ciidamada Tigreeda Ethiopia oo ay wehliyaan kuwa lagu adeeganayo ee  ku meel gaarka aha ayaa qabsaday deegaano kale oo cusub.

Talado,26,2006  Somaaliya

Ciidamada Tigreeda Ethiopia oo ay la socdaan Ciidamada lagu adeeganayo ku meel gaarka ah ayaa waxa ay maanta la wareegeen deegaano fara badan oo ay horey Maxaakiimtu u haysteen kuwaasoo Maxaakiimtu badankooda ka soo baxeen ayadoo wax dagaal ahi ka dhicin.

Degmada Buur-hakaba ayaa saakay ay la wareegeen Ciidamda Tigreeda  Ethiopia oo ay lasocdaan kuwa lagu adeeganayo ku meel gaarka ah, ayadoo aan wax dagaal ah ka dhicin deegaankaas ayadoo Ciidamada Maxaakiimtu iskaga baxeen goobtaas ayagoo gadaal ugu gurtay deegaanka Leego.

Ciidamada Ethiopia ayaa lagu arkayay saaka oo wata Gawaarida dagaalka oo gaaraya 30 gaari oo 6 kamid ah ay yihiin Taangiyaal, waxayna gaareen 3:00 subaxnimo ayadoo halkaas uu dadka la hadlay Wasiir ku xigeenka Gaashaan dhiga Salaad Cali Jeelle.

Buulo-barde ayaa ayana saakay gaareen Ciidamada Ethiopia oo la wehliyaan kuwa lagu adeeganayo, waxayna halkaas gaareen saaka 1:30 marka aya haayd saacadu, Ciidamadaan Ethiopianka aha ayay su suuro gashay in ay goobtaas gaareen kadib markii ay halkaas ka baxeen kuwii Maxaakiimta, waxaana halkaas ka khudbeeyay Maxamed –dheere oo asagu ahaan jiray guddoomiyihii hare ee Shabeelada dhexe.

Diinsoor ayaa ka mid ah deegaanada ay saaka gaareen lana wareegeen Ciidamda Ethiopianka oo la socdaan kuwa lagu adeeganayo ayadoo halkaas wax dagaal ah ka dhicin oo Ciidamada Maxaakiimtu isaga baxeen.

Dhuusamareeb, Cadaado iyo Cabud-waaq ayaa ka mid ah meelaha ay Maanta Ciidamda Ethiopia iyo kuwa lagu adeeganayo ay gaareen ayadoo meelaha qaarkood dagaal kaa dhicin ayaa hadana aysan jirin wax sidaas u weyn oo iska cabin ah oo ay la kulmeen.

Caamir Muuse.Muqdisho

Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@hotmail.com