Ciidamda Maxaakiimta oo ka soo baxay degmada Balcad ee Gobalak Shabeelada Dhexe.

Arbaco,27,2006  Somaaliya

Ciidamada Maxaakiimta Islaamiga ah ayaa ka so baxay degmada Balcad ee Gobalka Shabeelada Dhexe kadib markii saakay ay dagaal adag ay la galeen Ciidamda Ethiopia oo ay la socdaan kuwa dowlada ku meel gaarka ah ee Soomaaliya.

Ciidamada maxaakiimta ayaa ka bixitaanka ay ka soo baxeen degmada Balcad waxay ahayd degmadii ugu dambeysay ee inta la ogyahay ku taal wadada aada gobalada dhexe ayadoo dagaalkaan uu ka soo bilaamata Bandiiradleey ilaa Muqdisho ay soo firaaqeeye ayagoo hadda difaac kasoo galay Magaalada Muqdisho.

lama hubo inay kusii jiri doonaan Magaalada Muqdisho iyo in kale ayadoo waraka ka imaanaya guddoomiyaha Gobalka Shabeelad Dhexe Maxamed dheere uu sheegayo in ay doonayaan in ay Barito u soo dhaqaajiyaan Magaalada Muqdisho.

Ayadoo Wararkalaena sheegayaan in Ciidamdaii Maxaakiima ee jiray dhanka Balidoogle ay soo xaroodeen oo kusoo aruureen degmada Afgooye aydoo ay ka cabsadeen in dhabar jabin uga timaado dhanka gobalka Shabelada Dhexe oo ay qabsadeen Ciidamada ethiopia oo ay wehliyaan kuwa dowlada ku meel gaarka ah.

Haddaba Gawaari ah kuwa dagaalka oo aad u fara badan ayaa lagu arkayay maanta Magaalada muqdisho ayadoo aan waayayhaan lagu arki jirin Gaadiid dagaal oo sidaas u badan, sidoo kale Magaalada Muqdisho ayaa laga dareemayaa in uu ku soo laabtay dhicii Mobil lada oo aan maanta arkay dad badan oo ka qaylinaya dhaca Mobil ka

Caamir Muuse.Muqdisho

Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@hotmail.com