![]() |
|
![]() |
|
|
||
|
Dagaaladii u dhaxeeyay Maxaakiimta
iyo Ciidamda Ethiopia oo ay la
socdaan Ciidamada Dowlada ayaa
Maanta qabsaday Magaalada Jowhar .
Arbaco,27,2006 Somaaliya Ciidamada Ethiopia oo ay la socdaan kuwa Dowlada ku Meel gaarka ah ayaa Maanta la wareegay Gacan ku haynta Magaalada Jowhar, kadib markii dagaal adag uu ka billamay deegaan u dhow Magaalada Jowhar oo ay Ciidamada Maxaakiimtu difaac ka galeen shalay oo ay ka mid ahaayeen Kiliga Shiinaha iyo Jambiley. Dagaalkaan oo ahaa mid adag oo faraha la iskaga gubtay ayay usuura gashay Ciidamada Ethiopia oo ay la socdaan kuwa dowlada in ay la wareegaan gacan ku haynta Magaalada Jowhar oo magaalo madax u ah gobalka shabeelada dhexe ee Soomaaliya. Ciidamdaan Ethiopianka ah oo ay wehliyaan kuwa dowlada ku meel gaarka ah ayaa caddeeyay in ay gacanta ku dhigeen Gobalada Hiiraan iyo Gal-gaduud oo horey gacanta ugu jiray Ciidamada Maxaakiimta ayagoo sheegay in ay dileen in ku dhow 1000 ruux oo Ciidamada Maxaakiimta ka tirsan. Markii ay la wareegeen Ciidamdaani Magaalada Jowhar ayaa waxaa Magaalada ka hadlay Maxamed Cumar Maxamed dheere oo horey u ahaa gudddoomiyihii hore ee Gobalka Shabeelada dhexe intii aysan Maxaakiimtu la wareegin Magaalada Jowhar. Ku xigeenkii guddoomiyihii gobalka ee Maxaakiimta Sheekh Xaashi ayaa sheegay in ay dib ugu soo noqondoonaan oo dagaalku uusan dhamaan oo hadda uu bilaamayo waxa uuna sheegay in ay uga baxeen dagaalka in uu yahay xeelad dagaal. Sidoo kale waxaa dagaal ka dhacay deegaanka Leego oo ay shalay Maxaakiimtu yimaadeen waxaana dhawaaqa Madaafiicda laga maqlayay magaalada Wala-weyn, Maxaakiimta ayaana sheegay inay iska caabiyeen oo dib u celiyeen Ciidamadii Ethiopianka ee ay wehliyeen kuwa dowlada ku meel gaarka ah. Caamir Muuse.Muqdisho Hobyo Radio News Media |
||
|
Contact: hobyoradio@hotmail.com |
||