![]() |
|
![]() |
|
|
||
|
Golaha Ammaanka oo xalay kukala
tagay dood ku saabsanayd arrimaha
Soomaaliya oo Maanta galinka dambe
la filayo in la iskugu soo laabto.
Arbaco,27,2006 Somaaliya Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa xalay kulan ay yeesheen ku kala tagay kadib markii la isku mari waayay dood ku saabsaneed arrimaha ka taagan gudaha Soomaaliya oo ay ugu weyntahay Ciidamada Ethiopia ee ayagu dagaalka ka wada gudaha Soomaaliya ayagoo la socda kuwa dowlada ku meel gaarka ah ee Soomaaliya. Kulankaas ayaa la iskugu yimid markii Wakiil Xoghayah Guud ee Qaramada Midoobay Mr Fall uu ugu baaqay in fadhi deg dega laga yeesho arrimaha Soomaaliya oo sii xumaanaya Ciidamda Ethiopiana ay gudaha Soomaaliya ay galeen, kuwaasoo ka wada dagaal ka dhan ah Maxaakiimta, dagaalkaas ayaa noqonkara mid ku baaha dalka Soomaaliya iyo dalalka dariskaba. Dagaalkaan ayaanu ku tilmaamay in uu keeni karo dib udhac ku yimaada Wadahadaladii u dhaxeeyay Maxaakiimta iyo dowlada, iyo goluhu ugu baaqo Ethiopia in ay ciidamadeeda kala soo baxdo Soomaaliya. Doodaan oo socotay muddo saddex saac ah ayaa dowlada Qatar oo ayadu shir gudoonka ah ayaa si weyn u hor istaagtay 14 ka xibnood oo kale oo doonayay inaan waxba la oran Ethiopia lagana hadlin arrinka Soomaaliya balse is mari waa kadib la sameeyay kulan kale oo asagu qabsoomi doona xilli dambe ee maanta. Dhanka kale dowlada Mareykanak ayaa si weyn taageere ugu muujisay Ethiopia weerarka ay ku qaaday Soomaaliya,waxa uuna mareykanku u muujiyay Ethiopia si ay wax u qabatay in kastoo uu ugu baaqay in ay isticmaasho daganaansho. Maraykanka ayaa raaciyay in la bilaabo wadahadaladii u dhaxeeyay dowlada ku meel gaarka ah iyo Maxaakiimta Islaamiga ah, waxa uuna sheegay in Ethiopia ay wel-wel ka muujisay kooxda Maxaakiimta, waxayna taageero siinaysaa Dowlada ku meel gaarka ah, Ethiopia waxay samaysay Howlgal Milatari ayadoo ka jawaabaysa daan daansigii Maxaakiimta. Caamir Muuse.Muqdisho Hobyo Radio News Media |
||
|
Contact: hobyoradio@hotmail.com |
||