Mas’uuliyiintii ugu sar sareysay Maxaakiimta Islaamiga ah oo isaga Haajiray Magaalada Muqdisho.

Khamiis,28,2006  Somaaliya

Mas’uuliyiinta ugu sar sareeysa Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah ayaa go’aansaday in ay isaga Haajiraan Magaalada Muqdisho ayagoo aan cidna u carabaabin halka ay ku sii jeedaan laakiin waxa ay xuseen in dagaalku bilow yahay.

Guddoomiye ku xigeenka Golaha Fulinta ee Maxaakiimta Sheekh C/maan Janaqow ayaa sheegay in dadku is dajiyaan oo ay aayahooda ka tashtaan, waxa uu Sheekh C/maan uu sheegay in ay go’aan sadeen si loo badbaadiyo dadka in aysan ku dagaalamin Magaalada ayadoo ay sidaa oo kale ku sameeyeen dhamaan Magaalooyinkii laga qabsaday.

Waxa uu shacabka ka codsaday in aysan la imaan wax dambi ah oo cidii la timaada laga abaal marin doono, waxa uuna sheegay si loo ilaaliyo sharafta iyo Qaranimada ummadda Soomaaliyeed ay taladii dadka ku wareejiyeen, taas oo macnaheedu ahaa in ay macsalaameeyeen dadka reer Muqdisho.

Waxaa isna hadalka kaga daba maray Guddoomiyah Golaha fulinta Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo sheegay in dadka Soomaaliyeed ay aayahooda ka tashtaan iskana difaacaan cadowgooda meel kasta oo uu joogo aysana qaadan wax kasta oo wax u dhimaya diintooda iyo sharaftood, waxa uuna xusay in dagaalku bilow yahay, waxa uuna sheegay in kabixitaankoodu uu ka mid yahay qaab ay uga soo baxeen Magaalooyin badan.

Dadka reer Muqdisho ayaa fikiro kala duwan ka bixiyay hadalada Mas’uuliyiinta Maxaakiimta oo aysan dadku garanay halka ay qabteen ayadoo dadka qaar rumaysan yihiin in ay u kicitimeen dhankaa iyo Jubbooyinka.

Dadka qaar ayaa qaba in ay Maxaakiimtu doonayan in ay dagaal ka soo bilaabaan meel kale ayagoo doonaya in ay iska saxaan qaladaadkii keenay in ay ka soo dhamaadaan gobalo badan oo Soomaaliya ah ayagoo wali haysta awoodoodi, balse qaar ayaa qaba hadii ay isisoo saxaan xitaa in aan la aamini Karin in ay Madaxda soo badalaan mooyee.

Qaar ayaa ayaguna wali la dhacsanaa qaabka ay wax ku wadeen in kastoo xaqiiqadii habacsanaan laga dareemayay xilliyadii dambe, oo ay soo baxayeen eedeemo ka imaanaya dad fara badan taasoo loo aanayn karo is balaarintoodi iyo waxyaalo qaladaad ah oo hortiiba jiray oo aan la saxin.

Si kastaba haa ahaadeene Maxaakiimtu waxay wax weyn ka qabteen ammaanka goobihii ay gacanta ku dhigeen in kastoo ay habacsanaan ka muuqatay xagga Maamulka iyo Siyaasadaba,

Caamir Muuse.Muqdisho

Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@hotmail.com