Ciidamada Ethiopia oo ay la socdaan kuwa dowlada ku meel gaarka ah oo Dakada iyo Airportiga Muqdisho la wareegay ayagoo magaalada isku balaarinaya(War deg deg ah )

Khamiis,28,2006  Somaaliya

Ciidamadii Ethiopianka ahaa oo ay wehliyaan Ciidamada Dowlada kumeel gaarka ah ayaa gudaha u soo galay Magaalada Muqdisho ayagoo wax yar kahor la wareegay Dakada iyo Airport Magaalada Muqdisho.

Ciidaankaan ayaa Maanta Soogaaray duleedka Magaalada Muqdisho ayadoo lafilayay in ay dibada ka joogi doonaan Magaalada ayay si kadis ah loo maqlay in ay ku faafayaan gudaha Magaalada ayagoo ka soo galay labada dhinac ee wadooyinka magaaladu kasoo gala waxaana dakada ku hormaray kuwii ku yimid wadada Afgooye ayadoo kuwii ku yimid wadada Balcadna ay isku balaarinaya Xaafadaha Huriwaa, Yaashid iyo Kaaraan.

Xilligaan ay Ciidamadaan gaareen Goobahaas oo habeen ah ayay suurta gal ahan in wax sidaas u badan laga sii ogaado dhaq dhaqaaqa Ciidamadaan ayadoo Magaalada gudaheeda lagu arkayo dadka oo is weydiinaya halka xaaladu marayso.

Sidoo kale ayaa waqti dhow waxaa lasugayaa in uu Muqdisho soo gaaro Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid oo asagu ka soo kicitimay Gobalada Dhexe ee dalka Soomaaliya oo maalmahaanba uu ka dagaalamayay.

Wali macada cidad wadata Ciidamdaan iyo qaabka wax u soconayaan ayadoo xilligu yahay waqti habeen ah Magaalada Cabsi badan ka jirto.

Caamir Muuse.Muqdisho

Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@hotmail.com