![]() |
|
![]() |
|
|
||
|
Ciidamada dowlada oo ay wehliyaan
kuwa Ethiopia ayaa maanta soo
gaaray duleedka Magaalada Muqdisho.
Khamiis,28,2006 Somaaliya Ciidamada Dowlada ku meel gaarka ah oo ay wehliyaan kuwa Ethiopia ayaa Maanta soo gaaray duleedka Magaalada Muqdisho ayagoo saakay kasoo kala kicitimay deegaano ka tirsan gobalada Shabeelada Hoose iyo Shabeelada Dhexe. Ciidamadaan dowlada ee ay wehliyaan kuwa Ethiopia ayaa qayb kamid ahi waxay saaka kasoo ruqaan sadeen tuulada Qalinlow oo u dhaxaysa Jowhar iyo Balcad waxayna markii ay soo gaareen degmada Balcad ka hadlay Guddoomiyaha Gobalka Shabeelada Dhexe Maxamed dheere oo halkaas ku magacaabay guddoomiye ku meel gaar ah. Ciidamadaan ayaan la kulmin wax iska cabin ama ka hor imaansho ah waxayna si nabad galyo ah ku soo gaareen degmada Balcad oo ay haada ku sugan yihiin Xeradii Ciidamada ee Hiil-weyne. Dhanka kalana Ciidamdaan ayaa ka soo kicitimay deegaanka Leego ayagoo si toos ah u soo abaaray Magaalada Muqdisho ayagoo aan la kulmin wax ka hor imaad ah waxayna hadda saldhigteen oo ku egyihiin deegaanka Carbiska oo u dhaxeeya Afgooye iyo Lafoole. Muqdisho ayaa ayana Maanta xaaladu Boob ah iyo waliba dhac loogaysanayo meelihii ay Maxaakiimtu sameeyeen ka dhacay, waxaana arkaysaa dadka oo jahwareersan oo aad uga wel-wel qaba imaanshaha Ciidamda Ethiopia oo ay Nacayb badan ka muujinayaan. Caamir Muuse.Muqdisho Hobyo Radio News Media |
||
|
Contact: hobyoradio@hotmail.com |
||