![]() |
|
![]() |
|
|
||
|
Dowlada ku meel gaarka ah oo
sheegtay in ay cafis u disay
dadkii ka haray Maxaakiimta oo ay
dadkalamid yihiin.
Khamiis,28,2006 Somaaliya Dowlada ku meel gaarka ah ayaa ugu baaqday dadka reer Muqdisho in ay is dajiyaan oo ammaanka sugaan, waxaana sheegtay in dadka burcadka ah ee dadka dhaca iyo boobka ugaysanaya iyo dilka ay cawaaqib xumo la kulmi doonaan. Waxayna dowladu ka codsatay dadka reer Muqdisho in ay soo dhaweeyaan Ciidamada dowlada si ay u sugaan ammman una soo celiyaan kala dambeynta Magaalada Muqdisho, ayadoo Cafis loo fidiyay dhalin yaradii Maxaakiimta, dadkii la shaqaynayay iyo kuwii ka haray eek u sugan Magaalada. Waxaana laga codsaday dadkaas Cafiska loo fidiyay in ay gacan ka gaystaan sidii Magaalada loogu soo celin lahaa kala damneyntii iyo ammaankii oo ay la shaqeeyaan dowlada ku meel gaarka ah. Waxaana jira guddi Odayaal, Culuma udiin, iyo wax garad iskugu jira oo ka fadhiistay xaalada Magaalada kuwaasoo iska doortay 14 xubnood oo aaday Magaalada Afgooye oo dhawaan uu soo gaaray Ra’isul wasaaraha Cali Maxamed Geedi oo ay la socdaan Mas’uuliyiin katirsan dowladiisa sida Wasiirka Arrimaha Gudaha inj. Xuseen Maxamed Caydiid si ay ugala hadlaan sidii looga joojin lahaa Magaalada Ciidamada Ethiopianka ah oo ay banaanka kaga joogi lahaayeen. Ayadoo dhanka Xubnihii baarlamaanka eek u sugnaa Muqdisho ay sheegeen in Cali Geedi uu u xilsaaray in ay Magaalada sii Maamulaam ayagoo sheegay in uu u sheegay in ciidamda ku sugan Magaalada laga saaro oo lakala geeyo Hiil weyne iyo Dhanaane. Waxayna sheegeen in ay magacaabeen Guddi ka kooban 7 xubnood oo ka shaqaysa sidii loosoo dhaweyn lahaa dowlada, ayagoo saxafada u sheegay in dowladu gacanta ku dhigtay Magaalada Muqdisho. Caamir Muuse.Muqdisho Hobyo Radio News Media |
||
|
Contact: hobyoradio@hotmail.com |
||