Cabdi Qaybdiid oo sheegay in Muqdisho aysan kala qoqobnaan doonin oo hal meel ah laga xukumi doono.

Khamiis,28,2006  Somaaliya

Cabdi Qaydiid ayaa sheegay in aysan Muqdisho ku noqon doonin qaabkii kala qoqobnaanta ee noqon doonto mid meel kaliya laga xukumo,waxa uuna sheegay in aysan ku soo noqon doonin Hogaamiye Kooxeedkii ee ay noqonayso mid hoos timaada hal maamul oo dowlada hoos taga.

Waxa uuna sheegay in ummaddu garato danteeda lagana waantoobo waxyaalaha xumaanta ah, waxa uuna difaacay in aysan jirin dad ayagoo dhaawac ah lagu laayay oo la dhamaystiray deegaanadii uu tagay, waxa uuna raaciyay in aysan wax dagaal ahi ka dhicin deegaanadii ay tageen marka laga reebo Bandiiradleey.

Meelahaas waxaa tagay Ciidamda Dowlada waxayna ka taageen Calanka Dowlada ayagoo ka dajiyay Calankii ay saarteen kooxdii haorey u qabsatay deegaamadaas.

Cabdi Qaybdiid ayaa sheegay in uu ku soo laaban doono Muqdisho oo uu u imaan doono Gurigiisa, waxauuna ku cel celiyay in gobalka Banaandir uusan ahaan doonin meelo kala qoqoban ee hal meel laga xukumi doono

Caamir Muuse.Muqdisho

Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@hotmail.com