Madaxweynaha DKM ah ee Soomaaliya C/laahi Yuusuf oo Maanta soo gaaray degmada Afgooye ee GobShabeelada Hoosealka.

Sabti,30,2006  Somaaliya

Madax weynaha dowlada ku meel gaarka ah ee Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed ayaa Maanta soo gaaray degmada Afgooye ee Gobalka Shabeelada Hoose ayadoo ay horey u joogeen qaar kamid ah dowladiisa oo uu kamid yahay Ra'isul wasaare ProCali Geedi iyo ku xigeenka Ra'isul Wasaaraha ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha Inj Xuseen Caydiid.

Madax weynaha ayaa ku yimid Diyaarad Helakopter ah, waxa uuna dadka reer Afgooye kala qayb galay Dabaal daga Ciidul-Adxada, Madax weynaha ayaa markii uu soo gaaray Degmada Afgooye waxaa soo dhaweeyay Wafdi uu Hogaaminayo ra'isul Wasaare Pro. Cali Geedi oo uu ka mid yahay Wasiirka Arrimaha Gudaha Inj. Xuseen Caydiid.

Madax weynaha oo hadda ku sugan deegaanka Carbiska oo ka tirsan degmada Afgooye ee Gobalka Shabeelada Hoose ayaa la filayaa in uu dhawaan la kulmo Odayaal ka socda Magaalada Muqdisho kuwaasoo ku dadaalaya sidii loo sugi lahaa Ammaanka Magaalada Muqdisho ayadoo wax dhiba ka dhicin.

Odayaashaan reer Muqdisho ayaa waxaa kamid ah Cali Mahdi Maxamed, Maxamed Faarax Jimcaale, Xuseen Bood iyo kuwo kale oo fara badan waxayna horey ula kulmeen ra'isul wasaaraha Pro. Cali Geedi iyo xubnihii la socday ayagoo kala hadlay sidii loo ilaalin lahaa ammaanka Magaalada Muqdisho.

Hadaba ayadoo ay jiraan dadaalo lagu doonayo sidii xal loogu heli lahaa Magaalada Muqdisho ayadoo aan wax xabad ah ka dhicin ayaa dad weynaha reer Muqdisho waxay walaac badan ka muujinayaan sida ay suura galka u tahay in Magaalad Dib loogu soo celiyo sidii ay uga tageen Maxaakiimtu aydoo hubkii mar labaad gacmaha u galay dadweynaha iyo Malayshiyooyinkii horey u haystay.

Caamir Muuse.Muqdisho

Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@hotmail.com