Golaha Maxaakiimta oo Maanta ka qayb galay Salaada Ciidul-Adxada oo ka dhacday Fagaaraha Garoonka kubada Cagta ee Magaalada Kismaayo.

Sabti,30,2006  Somaaliya

Mas'uuliyiin Midoga Maxaakiimta ugu sar sareeya ayaa Maanta lagu arkayay Magaalada Kismaayo ayagoo ka soo qayb galay Salaada Ciidul-Adxada oo ay halkaas kula tukadeen dadkii goobta isugu yimid oo aad u fara badnaa.

Mas'uuliyiinta Maxaakiimta ee Saalada Ciidul-Adxada kula tukaday dadka reer Kismaayo ayaa waxaa kamid ahaa Guddoomiyaha Golaha Fulinta Sheekh Shariif Sheekh Axmed, guddoomiyaha Golaha Shuurada Sheekh Xasan Daahir iyo Mas'uuliyiin kale oo aad u fara badan oo ka tirsan Midowga Maxaakiimta sida Xoghayaha Guud ee Golaha Shuurada Sheekh Maxamuud Sheekh Ibraahim Suuley.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ah Guddoomiyaha Golaha Fulinta ayaa ka hadlay goobtaas waxa uuna sheegay in ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ay ku ciidaan Ciid wanaagsan, waxa uuna kula dardaaray in ay ummadu Sharafteeda iyo karaamadeeda dhowrto.

Sheekh Shariif ayaa ku dheeraaday sabasihii ay Muqdisho uga soo baxeen waxa uuna sheegay in ay ku dadaalayeen in uusan wax dagaal ah ka dhicin Magaalo Madaxda Muqdisho, asagoo xusay in sidaasoo kale ay yeeleen dhamaan Magaalooyinka kale haddana ay u taalo aayaha Magaalada Muqdisho dadka reer Muqdisho.

Sheekh Shariif ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan in ay difaacaan dadkooda, diintooda iyo dalkoodaba, waxa uuna sheegay in ay la dagaalami doonaan Cadowga ummada Soomaaliyeed, dowladuna aysan dowlad ku noqon karin Ciidamada Ethiopia ee ayagu qabsaday dalka.

Sheekha ayaa sheegay in dagaalku koow yahay ayna la dagaalami doonaan Ciidamda Ethiopia ee ku sugan dalka, Ciidamda Maxaakiimta ayaa hadda difaacooda hore uu joogaa degmada Jilib ayagoo halkaas isku aruursanaya ayadoo kuwa Ethiopianku ay ku sugan yihiin Buulo-Mareer

Caamir Muuse.Muqdisho

Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@hotmail.com