Qarax xoogan oo dad ay ku dhinteen ayaa xalay ka dhacay Muqdisho kaasoo loo waday Ciidamda Ethiopianka ah

 Axad,31,2006  Muqdisho,Somaaliya

Qaraxaan ayaa ka dhacay meel u dhow Hotel Ramadaan oo horey u ahaan jiray Xarunta Maxaakiimta Islaamiga ah ayadoo hadda ay agtiisa Garaash ku yaal ay ku sugan yihiin Ciidamo Ethiopian ah ayaa qaraxaani ka dhacay.

Qaraxaan oo lala soo beegsaday Ciidamadaas Ethiopianka ah ayaa waxa uu ku dhacay Geed weyn oo darbiga ku yaal kaasoo keenay in Bamkii uu dib ugu soo laabto xaafad meesha ka dhaweyd oo halkaas ay dad ku dhintaan qaar kalana ay ku dhaawacmaan.

Dadka dhintay waa haweenaydii reerkaas waxaana ku dhaawacmay Aabihii reerka iyo gabadh uu dhalay, waxaana la sheegaya in la arkayay labo nin oo dhalin yaro ah oo sii cararaya qaraxa kadib.

Waxaana qal qal xoogan ku yimid Ciidamadii Ethiopian ka ahaa ee halkaas ku sugnaa,goobta qaraxa ayaa ahayd dhanka waqooyi ee Hotel Ramadaan, waxaana halkas gurmad u tagay.

Waana markii ugu horeysay ee qarax lagu qal qalinayo Ciidamada Ethiopia lagu qaado in tii ay soo gaaree Magaalada Muqdisho.

Caamir Muuse.Muqdisho

Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@hotmail.com