![]() |
|
![]() |
|
|
||
|
Ra段sul Wasaaraha dowlada ku meel gaarka ah Pro. Cali Geedi ayaa Maanta sheegay in dowladu soo gabagabaysay sidii Hubka loo qaadi lahaa Axad,31,2006 Muqdisho,Somaaliya Ra段sul Wasaaraha dowlada ku meel gaarka ah Pro. Cali Geedi ayaa Maanta Shir jaraa段d oo uu ku qabtay Hotelka Globle ku sheegay in ay dowladu soo gaba gabaysay sidii Hubka loo qaadi lahaa, ayadoo guddiyo loo xilsaaray ay ku dhow yihiin gaba gabo. Cali Geedi ayaa sheegay in wixii ka dambeeya Maanta iyo Bari ay soo dhamaanayso qorshaha ay guddiyadu ugu tala galeen in ay ku soo dhamaystiraan qaabka hub aruurinta. Ra段sul Wasaraha ayaa kulan uu layeeshay Xubnaha baarlamaanka eek u sugan Muqdisho kadib qabtay Shirkaan Jaraa段d ayaa Muhiimada ugu weyn ee uu kahadlay ay ahayd arrimaha Nabad galyada iyo sidii loo aruurin lahaa Hubka iyo sidii looxanaanayn lahaa dhaawaca ku dhaawacmay dagaaladii ka dhacay gudaha Soomaaliya. Mar uu ka hadlayay goorta Ciidamada Ethiopia ay ka baxayaan Soomaaliya uu sheegay in aysan ku xirnayn Saacad, Maalin iyo Sanad midna ee markii la soo afjaro dagaalka aan kula jirno Argagixisada, waxa uuna sheegay in la doonayo in lag shaqeeyo sidii loo soo celin lahaa Nabad galyada. Mar uu ka hadlayay Hogaamiye Kooxeed yadii Muqdisho ayuu sheegay in aysan mar dambe hogaamiye kooxeed yadu dhib ugaysan doonin dadka reer Muqdisho, lana samayn doono Maamul. Waxa uu Cali Geedi ka codsaday Hay誕daha in ay la soo gaaraan gargaar dadka ku nool gobalada dagaalku ka dhacay iyo kuwa uu hadda ka socdaba, waxa kale oo uu sheegay in dowladu soo gaba gabaysay qorshihii Hub aruurinta, asagoo sheegay in hub aruurin Mas置uliyadeeda ay qaadayso Dowladu ayna qaadayso Hubka kiisa yar iyo kiisa weynba. Cali Geedi ayaa sheegay in Saxaafadu ay Xor tahay ayadoo Muqdisho oo kaliya ay ka jiraan ilaa 7 idaacadood iyo dhowr Talefishin. Caamir Muuse.Muqdisho Hobyo Radio News Media |
||
|
Contact: hobyoradio@hotmail.com |
||