![]() |
|
![]() |
|
|
||
|
Magaalada Jilib ayaa qarka u saran in uu ka dhaco dagaal xoogan oo dhexmara Maxaakiimta iyo Ciidamda Ethiopianka oo ay wehliyaan kuwa dowlada Axad,31,2006 Muqdisho,Somaaliya Dadkii daganaa ayaa badankoodu isaga qaxay Magaalada ayagoo naf ka raadinaya deegano kale oo u dhow dhow degmada Jilib ee gobalka jubbada Hoose, halkaas oo ay difaac kaga jiraan Ciidamada Maxaakiimta oo ayagu looga itlaal roonaaday deegano ay kamid yihiin Muqdisho. Magaaladaan oo Kismaayo u jirta 120 km ayaa Ciidamda Maxaakiimtu waxay ka samaysteen dhufaysyo iyo meelo kale oo istiratiji dagaal ah, ayagoo Maanta ku dhawaaqay in ay dhamaytireen qaabkii ay ula dagaalami lahaayeen Ciidamda Ethiopia. Magaalada Jilib ayaa aysan jirin wax goob ganacsi ah oo furan ayadoo dadku ka baxayaan Magaalada oo qiyaastii loo wado in uu dagaal xoogan ka dhaco waqtiyada soo socda ayadoo Ciidamda Ethiopianku ku sii dhawaanayaan Magalada kuwa Maxaakiimtuna difaacooda adkeysanayan, Magaalada Kimaayo ayaa ayana laga dareemayay Olo-ole dagaal oo Maxakiimtu wadaan, aydoo dadka reer Kismaayo aan sidaas u qaxin ayaa haddana waxaa lahadlay Guddoomiyaha Gobalada Jubbooyinka ee Maxaakiimta Axmed Maxamed Islaam oo sheegay in dadku iska daganaadaan oo ay ka difaaci doonaan Ciidamada Cadowga. Magaalada Kismaayo ayaa maanta lagu arkayay diyaaradaha wax basaasa oo dul heehaabaya dusha sare ee Magaalada ayadoo Magaalada Kismaayo ay ku sugan yihiin Mas’uuliyiinta ugu sar sareeysa Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah. Dagaal adag oo halkaas ka dhaca ayaa dhawaan la filaya in kastoo aysan Ciidamda Maxaakiimtau Hub ahaan iyo Saanad ahaanba aysan gaarin kuwa Ethiopianka hadana waxay leeyihiin moral fiican. Caamir Muuse.Muqdisho Hobyo Radio News Media |
||
|
Contact: hobyoradio@hotmail.com |
||