![]() |
||||||
|
|
||||||
|
Xiriiriyaha Guud Ee Hay’ada SCDO Ee Magaalada Gaalkacyo Max’d Cabdi Kaamil Oo Ka Warbixiyay Wax Qabadkii Hay’adaas Ee Deegaanada Gal-Mudug State.
Dec,6,2007 www.Hobyoradio.com
Magaalada Gaalkacyo oo ah xarunta dawlad goboleedka Gal-mudug State ayaa waxaa sanadihii ugu danbeeyay ku soo badanayay ha’adaha iyo ururada samafalka ee ka hawl gala guud ahaan deegaanda Gal-mudug ay ka taliso oo Gaalkacyana ka mid tahay hay’adaas iyo ururadaas caalamiga ah waxay iskugu jiraan qaybo farabadan oo midiba magac ugooni ah leedahay inta badana waxay xaafiisyo ku leeyihiin magaalda Gaalkacyo oo ah saldhigooda ugu weyn walow ay jiraan tuulooyin ka tirsan deeganda Gal-mudug oo ay wakiilo ku leeyihiin sidoo kale hay’adas iyo ururada wadaniga ah waxay leeyihiin wada shaqayn wanaagsan oo inta badan waxay yeeshaan kulamo waa weyn oo ay uga arinsanayaan hadba xaaladu halka ay marayso iyo wax qabadkooda Guud ahaan hay’adaha iyo urada ka jira Gal-mudug waa kuwo ka midaysan wax uqabashada shacabka reer Gal-mudug ee faraha abdan kuna kala sugan Gaalkacyo iyo deegaanda ku teedsan.
Ha’yadaha iyo ururada samafalku midba wax ay ka shaqaysaa kuwo ku shaqo leh caafimaadka ,kuwa,waxbarshada,kuwa ceelasha,I.W.M Waxaana wax qabadka hay’adahaas si weyn usoo dhaweeyay qaybaha kala duwan ee bulshada oo si weyn ula dhahcsan ha’adaha amaalka aan la hilmaami Karin bulshada reer Gal-mudug uqabtay waxaa ka mid ah Ha’ada aan xuduuda lahayn ee MSF Holand oo iyadu gacanta ku haysa isbitaalka kaliya ee ka hawl gala deegaanda gal-mudug iyo guud haan gobola mudug oo ay ka faaidaystaan dad aad ufarabdan oo kaka la yimaada qaybo badan ee dalka soomaaliya xitaa kilinka shanaad ee ithobia, Hayada SCDO waxay ka mid tahay hay’ada ka hawl gala deegaanda Gal-mudug State xiriiriyaha hay’adaas Max’d cabdi kaamil ayaa ka warbixiyay wax qabdkii ha’adaas iyo waxa xiligaan uqorshaysan maxa’d cabdi kaamil oo warysi kooban siiyay idaacada codka mudug ee magaalda Gaalkacyo ayaa sheegay in hay’ada SCDO ay deegaanda gobolka mudug gaar ahaan galakcyo soo gashayhoraantii sanadii 2006 xilgaas oo uu sheegay in ay uyimaaadeen kormeer isla markaasina aysan ha’adaha hada ka shaqeeya galakcyo badankood jirin marka laga reebo hay’adaha ACRC iyo MSF oo iyaguna ka hawl gali jiray Gaalkacyo oo kaliya waxa uu xusay kaamil in markii ay arkeen baahida ka jirta deeganda gal-mudug ay go’aansadeen in ay si rasmi ah uga hawl bilaabaan isla markaasina ay isku baahisay deegano farabadan ooo ka tirsan gal-mudug ayna ka mid ayihiin Bud-bud oo ay ka so bilaabeen hawl galkooda iyo u adeegida bulshada,iyo sidoo kale deeganada ka la ah Duurre,Wisil, Bitaale,D agaari,Galin-Soor,Qar-qoora,Dawaaf,Bohol, iyo meelo kale oo uu sheegay madane kaamil in ay ka fuliyeen adeegyo muhiim ah sida 34 ceel oo ay tayactir ku sameeyaan qaarna ayba qoadaan Mashruucaas ayuu sheegay in ay fuliyeen sandii 2006,halka sandkaan hada daba yaaqada ah 2007,ay magaalda Gaalkacyo ay ka dhiseen Dugsi farsmo gacan oo uu sheegay in ay ugu talagaleen in ay ku bartaan rag iyo dumarba duugsi kaas la mid ahna ay ka dhiseen magaalada wisil oo isna dhawaan la soo dhameeyay dhismihiisa. Max’ed cabdi kaamil ayaa ugu danbayn sheegay in ay hawlahooda shaqo ku fidin doonaan guud ahaan deegaanda Gal-mudug si ay hor’umar wanaagsan ugaarsiiyaan deegaandaas Cabdalla Max’d Cabdille Xaafiiska Hobyoradio Galkacyo’Gal-Mudug State of Somalia, Mobail: 002521 62270923 Hobyo Radio News Media |
||||||
|
Contact: hobyoradio@gmail.com |
||||||