Home | Contact | Abaut Us | Maqaal | Tacsi | History |
Wafdi Ka socda Dawlada KMG Soomaalia iyo Gen. Cabdi Qaybdiid Ayaa Maanta Soo Gaaray Magaaladda Gaalkacyo Ee Xarunta Gobolka Mudug.

Dec,9,2010 www.Hobyoradio.com

Qudbooyinkii ay jeediyeen wafuuda kasocota  DKMG iyo Gen Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid  Halkan ka Dhagayso

Warar Goos Goos ah  oo NABADA gobolka Mudug Dhagayso

Halkan ka dhagayso gudbooyinkii laga jeediyay dhagaxdhiga Jaamacada Mudug ee Galmudug Dhagayso wararkii Idaacada Hobyo ee Jan,19,2010 Dhagayso

Wafdi Ka socda Dawlada KMG Soomaalia iyo Gen. Cabdi Qaybdiid Ayaa Maanta Soo Gaaray Magaaladda Gaalkacyo Ee Xarunta Gobolka Mudug.

Wafdigaan ayaa Waxaa hugaaminaayay Wasiiro ka tirsan Dawlada KMG Soomaalia oo ay ka mid yihiin Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Amniga KMG Soomaalia C/shakuur Sheekh Xasan Wasiirka Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ahan Ra'usul Wasaare Ku xigeenka Ee Dawlada KMG Soomaalia C/wali Maxamed Cali  iyo Wasiirkii hore ee Macdanta iyo Biyaha Dawlada KMG Soomaalia GEN Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan Dawlada KMG Soomaalia.

Waxaa Garoonka Diyaaradaha Ee Magaaladda Gaalkacyo Wafdigaan ku soo Dhaweeyay Masuuliyiin ka tirsan Maamul Gobaledka Galmudug, Ayagoona U soo Galbiyay Hotel Embassy Ee Magaaladda Gaalkacyo Xarunta Galmudug.

Xubnahaan Ka socda Dawlada KMG Soomaalia ayaa Waxa ay kulan kula qaateen Hotel Embassy Madaxweynaha Maamulka Galmudug Maxamed Axmed Caalin iyo Xubno ka tirsan Labada Gole Ee Xakuumada iyo Baarlamaanka Galmudug.

Madaxweyne Maxamed Axmed Caalin ayaa Wadfigaan ku soo Dhaweeyay Xarunta Maamulka Galmudug Ee Gaalkacyo, Asagoona Sidoo kale Sheegay in Maamulka Galmudug uu diyaar U yahay Ka shaqeynta Nabada.

Dhanka kale Wasiirka Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ahna Ra'usul Wasaare ku xigeenka Dawlada KMG Soomaalia C/wali Maxamed Cali iyo Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Amniga C/shakuur Sheekh Xasan ayaa Sidoo kale halkaas Ka hadlay Waxa ayna ugu horayn Mahad celin U jeediyeen Madaxweynaha Maamulka Galmudug Maxamed Axmed Caalin iyo Sidoo kale Masuuliyiinta iyo Shacabka Reer Galmudug, Ayagoona Rajo Wanaagsan ka muujiyay in ay Dhex dhaxaadin doonaan Dhinacyada ku dagaalamaya Deegaano hoostaga Dagmada Gaalkacyo, ugu danbayna Waxa ay baaq U jeediyeen Shacabka Reer Galmudug in ay ka shaqeeyaan Nabada Gobolka Mudug.

Sidoo kale Waxa halkaas ka hadlay Wasiirkii hore Ee Macdanta iyo Biyaha Dawlada KMG Soomaalia Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid, Asagoona dhankiisa Shaaca ka qaaday in Shacabka Gobolka ku dhaqan ay ka shaqeeyaan Nabada Gobolkooda.

Dhan walba hajirtee Imaanshaha Wadfigaan ka socda Dawlada KMG Soomaalia ayaa Waxa uu ku soo beegmayaa Xili Dhawaan uu shaaciyay Ra'usul Wasaare Farmaajo in ay Wafdi Ka shaqeeya Nabada Gobolka Mudug ay Soo diri doonaan, Ayadoo sidoo kale uu ku soo beegmayo Xili Dagaalo ay ka jiraan Deegaano Hoostaga Dagmada Gaalkacyo, lamana oga Guusha Nabada ah Ay Colaadaha ka jira Gobolka Mudug ka Gaari Doonaan.

Siciid Jaani

Hobyo Media Network Gaalkacyo

Siciidjaa@hotmail.com

COMMENTS-FIKRADAADA DHIIBO
Name*

Email*

Website*

Hees cusub Guulbay Horsedeen Galmudug Fananka weyn Lafoole iyo Fananada codka macan Fartun Cumar. Halkan ka dhagayso
Shabakada Warbaahinta Hobyo oo Maanta La Gudoonsiiyay Shahaada Sharaf Nabada ah (Peace Novel Press}. Daawo
Baraanbur loo tiriyay Abwaanada Sahra Dahir oo la magac baxay SAHRA XARIIR BAA TIHIYO XUURAL CAYNTA DUMAR.
Dufcadii u Horaysaysay ee Ardayda Jaamacada Mudugu nivesity (MU) oo Maanta ay u Bilaabatay Waxbarashadoodii Jaamacadda. Daawo
Kulankii Golaha Xukuumada Galmudug ee Maanta oo Sahra D. Mire Loogu Aqoonsaday Abwaanada Sanadka 2010. Daawo sawiro
XAFLAD MAHAD CELIN IYO ABAALMARIN AH OO LOO SAMEEYAY ABWAANADA SANADKA 2010 SAHRA D. MIRE.Daawo
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

Home | Contact | Maqaalo | Tacsi | Hambalyo | Fanka iyo Suugaanta | Fikrado  | Wararkii Hore | Waxbarshada | Caafimaadka | Dhaqanka |  Dhaqaalaha | Galmudug State| Galkacyo| Hobyo| Ceelguula| Wasil| Bandiiradleey| Ceeldibir| Galinsoor| Bud Bud| Afbarwaaqo| Xingod| Bitaale | Galbarwaaqo|