Wafdi ka Socday Shirkadda xawaalda Dahabshiil Oo Socdaal Kor Meer ah ku Tagay Degmada Galinsoor  ee  Dawlad Goboleedka Galmudug state.Daawo Sawirada

Feb,11,2008  www.Hobyoradio.com

Masu’uliyiin ka socotay shirkadda xawaaladda Dahabshiil oo ah shirkad caalami ah isla markaana ka shaqaysa guud ahaan caalamka ayaa kor meer shaqo waxa ay dhawaan ku tageen deegano badan oo ka tirsan galmudug state oo ay shirkadau lamo ku leedahay.

Magaalada Gaalkacyo oo ay shirkadu xarumo badan ku leedahay ayaa waxaa dhawaan ka anba baxay wafdi ka socday shirkadda dahbshiil gaar ahaan laata deegaanka wadjir ee magaalada gaalkacyo waxaana wafdigaasi ka mid ahaa qaliif cabdi dhicis oo ka mdi ah masu’uliyinta dahabshiil wadajir waxaana ku wehliayay safarkiisa maamulaha iskuulka H/Dhexe Sare AL.SHACAB. Axmed aadan C/lle iyo sidoo kale wariyaal ka socday qayabaha warbahinta ee Galmudug state.

Waxaana deeganda ay wafdigaani mareen ka mid ahaa dagaari,Sadex-higlo,Bandiiradley,iyo Galin-soor oo ay shirkadu laamo xawaladeed ku leedahay.

 Safarka masu’uliyiinta ayaa ujeedadoodu ahayd sidii ay u ogaan lahaayeen sida ay hawlaha shirkadu uga socdaan deegandaas ay mareen iyo isku xirnanta macaamiisha shirkadda iyo wakiilada aygoona tagay dhaanba laamaha oo axiligaas shaqdu ka wada socotay. Sidoo kale waxa ay kulamo la qaateen wax garadka iyo macaamiisha shirkada oo ay ka wada hadleen sida ay lagama marmanka u tahay wada shaqyn wanaagasan oo ay wad yeeshaan dhinacyadaas.

Waxaa iyana xusid mudan in deeganka galin soor oo 90km magaalada gaalkacyo kaga beegan dhanka konfureed xilig wafdigu tgeen ka jiratay baahi dhanka biyaha ah aydoona ceel biyood matoor ah oo galin soor ku yaal ay cilad ku timid

Kor meer ay wafdiga ku tageen Ceelka biyaha ee matoorka ayaa waxaa laga dareemayay in halkaa ay ku sugnaayeen booyado inta badan biyaha ka qaadan jiaray ceelka oo gayn jiray meelaha baadiyaha ay bakin iskaga jireen maadama ceelku uusan shaqaynayn.

 Waa sidoo kale biyo laantu saamaysay xoolaha oo geela lo’da iyo ariga ayaa laga shubaa ceelasha gacanta lagu shubayo sida aad ka daraymaysan sawirada aan ka soo qaadnay ceelasha  Galin soor.

Waxa ayna masu’uliyinta ceelka biyodka matoorka ah gacanta ku ahysa ay noo sheegeen in mudo todobaad ah aysan jirin wax shaqo ah oo ceelku hayo cildo dhanka qalbka matoorka ku timid awgeed.

Ugu danbayntiina safarka wafdigaan dahbshiil ka socday ayaa dib ugu soo labtay magaalada gaalkacyo waxaana socdalka wafdigani ay ku tageen deeganadaas soo dhaweeyay qaybaha kala duwn ee bulshada ku nool deeganada glmudug ee wafdigu tageen gaar ahaan macamiisha ku xiran dahbshiil ayaa soo dhawaysay arintaasi.

Cabdalla Max’ed Cabdalle

Galin-soor, Gal-Mudug State SOMalia,

Cabadalla45@hotmail.com

Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@hotmail.com