Xaflad Lagu Maamusayay Furitaanka Dugsi Quraanka Ehlu Sunna Oo Lagu Qabtay xarunta Iskuulkaas Xaafadda Dalsan Degmada WadajirEe Magaalada Gaalkacyo.Daawo Sawirada.

Feb,11,2008  www.Hobyoradio.com

Xafladaan oo xariga loog ajaray Dugsi quraankaan oo loogu magac daray Markisu Ehlu Sunna Fariciisa 6aad ayna ka qayb galeen furitaankiisii Masuuliyiin ka tirsan Dowlad Goboleedka Gal mudug State,Culumo awdiin,macallimiin Dugsisiyada quraanka Ururrada Bulshada,iyo Dadweyne fara badan ayaa waxaa ugu horrayntii lagu furay aayadaha quraanka kariimka ah oo uu akhriyay arday lagu magacaabo Muxyadiin Kaahiye,iyadoo markaasi ka dibna uu halkaasi wacdi diini ah oo aad u qiimo badnaa uu ka soo jeediyay Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Garsoorka Dowlad Goboleedka GalMudug Sh.Cali Axmed Iidle Sheekh Cali {Afyare}

Sheekha ayaa wacdigiisa ku xusay sida loogu baahan yahay in loogu dadaalo ALLAAH ka cabsiga iyo barashad Diinta Islaamka.

   Munaasabaddaasi waxaa kaloo ka hadlay maamulaha guud ee Markiskaasi Macallin Bashiir Maxamed,Macallin Cabdul Jaamac,Macallin Siciid Caafi,Macallin Cabdi deeq Faarax Diiriye oo ah macallinka dugsigaasi dhigaya,Xaaji Cabdi Caagane oo waalidiinta matalayay,Guddoomiyaha ururka dhallinyarada gobolka Mudug Maxamed Axmed Abshir iyo guddoomiyaha ururka ardada dowlad goboleedka Galmudug Cali Sacid Xasan Cabdi.oo dhamaantood soo hadal qaaday faaida ay leedha barshada diinta islaamka iyo in waalidiinta looga baahan ayahy in ay caruurtooda ugu da daalaan tarbiyantooda iyo nadaafaddooda intaba aydoona ugu guud ahaan xafladdu ay ku soo dhamaatay jawi aad uwanaagsan.

 

 

Cabdalla Max’d Cabdille

Galkacyo,Gal-Mudug State SOMalia,

Mobail: 002521 62270923

cbadalla45@hotmail.com

Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@hotmail.com