![]() |
|
![]() |
|
|
||
|
Gabay.Nidar baa inoo xiran Isniin,Feb,12,2007 www.Hobyoradio.com Gabaygan wuxuu ku saabsan yahay dowladda Tigreega ee ku soo duushay dhulka Soomaaliyeed iyo kuwa qiilka u yeelaya oo baneynaya in cadowgii gaamuray dabbaabaad iyo ciidan lixaad leh dalka ku soo geli karo, dadka leyn karo waxna aan leyska weydiinin dabadeedna lagu sifeyn karo waa saaxiib iyo daris labadaba. Nuxurkiisu waa in aanan arintaas la qaadan karin inta dhiig Soomaali jiro, cadawga xoog kugu qabsadaana uunan mudneyn in ubax loo dhigo ee ay tahay in la mariyo waajibkiisa. Wuxuu tilmaamayaa in aan la quudareyn karin nolol gunimo, in hogaanka Ethiopia ku jiro gacan aan mudneyn iyo in Soomaaliya hesho hogaan nadiif ah. Waxaa tiriyey Axmed Cawaale. February 2007 a_awale@hotmail.com
1.Nimanka Tigrey ka yimid iyo kuwa u nacamleeya 2.Kuwa daba nashleyn ee niggaxa u sii qaada 3.Nasabka iyo diintaba nimanka shilinka dhaafsaday 4.Naanaabka wasiir-moodka iyo kuwa beenta soo niiba 5.Nac allay muteen giddigood wixii maray jid naareedka 6.Ka noqdaan ku iri dhulkaan nooma dhexooyo’e 7.Ma nagaan kartaan baan ku iri adinkoo hub la naashoone 8.Waase igu naceen gartaydii nifaaq la’aaneede 9.Waadinkaa Colaad naadiyee waa keenii nolosha qoonsada 10.Mar haday naftu bixi oon cidi noolaaneynin 11.Lama naawilo nolol xumi waa naar aduunyaade 12.Naxariista eebbaa tartan mudan iyo nuurka aakhiro’e 13.Nasiib laguma helin gobonimada ee nafbaa loo huraye 14.Nadarkii allaa u furan ruuxii niyadda ka aamina 15.Daris aan wada nagaaniyo hadey nabadii jareen 16. Hadey soo nagaadsadeen naaskeeda maandeeq 17.Wallaaney nuugeyn intuu wiil Soomaali noolyahaye 18.Waa in aaney nasan oo ay naxdinna soo jeedaane 19. Nabarro culusiyo madfac waa in lagu nusbaaraaye 20.Nasri waa inaaney helin nabaddey takooreene 21.Naaguhu waa inay shiidaan oo nugul ka dooxaane 22.Niggax waa in lagu dabraa sii nidqaan caruuruhuye 23.Dariiqyada waa inaad isugu nabtaan rasaas uga nixisaane 24. Naar iyo giraanta waa inaad naxar u karisaane 25.Naadirran waa iney noqdaan gurmad isku nuuxsada’e 26.Waa inay nacaan baddiyo dhulkey soo naqeysteene 27.Nidar baa inoo xiran inay nabar la tiicaane 28.Ha nashleeyo dhiiggu taniyo intey noo-da gabayaan 29.Naleskii addis waa in uu naxdin la selelaaye 30. Ha naa-naabo sidii ruux nolosho eersadaye 31.Ha nasteeyo been iyo naxli wuxuu rabo’e 32.Ha naawilo Buush inuu nooga hiiliyo’e 33.Ha warnaado Naxashkoodu taniyo biyaha niilkaaye 34.Xaajada ninkii mudnaa waa inuu nacame taliyaaye 35.Nusqaantii ha tuureen Oramadu loo nisbeyn jiraye 36.Niyaddii gobonimo-doon nalal haw siraadeene 37.Numbar iyagaa badane najax waa inay hariyaane 38.Nahaabka Meles haw qabteen naf wuxuu jaraye 39.Nasab uma lahee Tigreey waa in laga nadiifshaaye 40.Niisadihii iyo gododkoodii waa iney dib u noqotaaye 41.Naruuray sugayaan shacabkii iyo nasriga eebbahaye 42.Naxariis hogaamiye leh oo beesha nabadeeya 43.Naaquska soo afmeera dalkaan daqarku naafeeyey 44.Ku nageeya Caddaalad iyo nolol barwaaqaade 45.Nidaam aan sokeyn laheyn waa in nudubka loo taago 46.Ha dageen nimciyo baraare jiilka naga danbeeyaaye 47.Nin xun iyo dagaal-ooge ha la xiro duul nasaqeedka 48.Nacaska jidka galayiyo tuugada waa in niggax la tooxaaye 49.Nirgaheenu carrigey daaqi jireen waa in lagu nageeyaaye 50.Nageyliyo Jigjiga waa inaan nabad ku joognaaye Axmed Cawaale. Hobyo Radio News Media |
||
|
Contact: hobyoradio@hotmail.com |
||