Hay,adda ICRC Oo Deegaanada Dowlad Goboleedka Gal mudug KabBiloowday Qaybinta Macaawinooyin Isugu Jira Alaabooyinka Aadeegyada Gurayaha.

Feb,12,2008  www.Hobyoradio.com

Hawshaan oo ay bilawday 10-ka feebarayo 2008 lagana qaybinayo deegaanno isku cel celis dhan ilaa afar boqol oo km ayaa wajigiisa hada ka bilawdaydeegaano badan oo ka tirsan Gal mudug state.

waxaa dadka la gaarsiinayaa alaabooyin ay ka mid yihiin noocyada la huwdo ama la harsado iyo kuwa wax lagu karsado ee macaanka ah.
 
 
Wakiilka hay'adda ICRC ee deegaannada dawlad goboleedka Gal mudug satate C/nuur max'd xirsi ayaa sheegay in sidoo kale ay dhawaan bilaabi doonaan biyo u dhaamin iyo u qaybin dadka ku nool deegaannada Gal mudug ee abaaraha iyo biyo la'aantu ay saameeyeen.


Cabdi nuur max'd xirsi oo xaafiiskiisa Gaalkacyo ugu waramayay hobyoradio ayaa intaasi ku daray in macaawino qaybintaani ay ka danbaysay socdaal hawl wadeenada ICRC ku soo kala bixiyeen deegaanadaas ay saameeyeen abaaraha iyo cunto la'aantu ka jirto.



asagoo intaa raaciyay in ay baahi aad ah jirto dadkuna ay ubaahan yihiin cuntooyin wax ku ool ah haddana hay'adda ICRC ayadoo la raacayo amarka madaxda hay'adda Cabdi Nuur max'd xirsi waxa kale oo uu xusay in deegaannada gal mudug ay nabad galyo buuxda ka jirto loona baahan yahay in la sii xoojiyo.
 
 
Cabdalla Max'ed Cabdille
Hobyoradio Galkacyo,
Gal-Mudug State SOMalia,
Mobail:002521 62270923
cabdalla45@hotmail.com

.

 

Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@hotmail.com