Shirwaynihii  ka Socday degmada Bandiiradleey Oo logu soo bandhigay wax qabadkii  3 Billood ee lasoo dhaafay Ee (DG) Galmudug State. Daawo Sawirada

Feb,14,2008  www.Hobyoradio.com

Shirweynahaasi oo socday muddo aan ka saacadoodo ah kana dhacay geedka nabadda shin biraale ee deeganka Bandiiradley ayaa lagu soo bandhigay marxaladihii ay soo mareen howlaha deegaannada dowlad goboleedka GalMudug ee lagu doonayay in dib u dhaca jiray wax looga qabto.

Mahad Gaara Wariye Cabdalle M. Cabdille oo ah Wariyihii Galmudug State Sanadka 2007-Ee Hobyo Radio. By. C/aziz Xogolof

 

 

Masuuliyiinta,Culumo awdiinka iyo odayaasha dhaqanka ee halkaasi ka hadlay ayaa dhan  kale waxa ay xuseen caqabadihii lala kulmay muddadii ay jirtay dowlad goboleedka GalMudug iyo dadaallada waqtiyadii ugu dambeeyay lagu tilaabsaday.

 

  Go’aammada shalay sida buuxda laysigu raacay soo jeedinta Kusimaha Madaxweynaha dowlad goboleedka Gal Mudug Cabbdisamad Nuur Guuleed ayaa waxaa ka mid ah in muddo 3 bilood ah howhsii ay wadeen loogu kordhiyo guddiyadii shirweynihii bandiiradleey 11 noveenbar 2007dii  loogu doortay muddo 3 bilood ah  arrimaha maamulka gobolka Muudg. Guddiga Sare  ee Garsoorka ,Amniga iyo Ganacsiga.

 

  Guud ahaan masuuliyiintii iyo xubnihii kale ee halkaasi ka hadlay ayaa si buuxda u taageeray in muddo 3 bilood oo ka bilaabanaysay 12/2/2008da ay sii wadaan howshii ay soo wadeen muddadii 3 bilood ee aan soo dhaafnay.

  Shirkaasi oo ahaa mid si farxadeed laysigu af gartay guud ahaan waxyaabihii lagu soo bandhigay ayaa masu’uliyiintii kahadlay waxaa ka mid ahaa Sheekh Cismaan Maxamed Bootaan.(Sh Ciid) oo soo jeediyay waxdi diini ah oo aad loogu qushuuracay.

Guddoomiye ku xigeenka gobolka Hobyo Siciid Aadan Cadde oo ka warbixiyay xaaladda gobolka Hobyo iyo sida masuuliyiinta iyo shacbiga gobolkaasi u taageersan yihiin howlaha Dowlad goboleedka GalMuudg iyo go’aannada Bandiiradleeyba.

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Dowlad goboleedka Gal Mudug Xasan Faarax Barre.Guddoomiyaha Guddiga Dhaqaalaha Gal Mudug Cabdul Jaamac dharas.

 Guddoomiyaha Guddiga Amniga Col. Cabdi Jaamac Xabeeb.Guddoomiye Ku xigeenka guddiga Garsoorka Dowlad goboleedka Gal Macallin Aadan Maxamed Jimcaale,Guddoomiyaha Maxkamadda degmada Gaalkacyo Sh Axmed Xirsi Barre,Nabaddoon Yuusuf Xaashi Cilmi Qabax,Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee golaha Baarlamaanka Galmudug Xasan Macallin Yuusuf,Guddoomiyaha guddiga Marjaca Culumo awdiinka Gal Mudug Sheekh Mursal Cilmi Dhago,Kusimaha Madaxweynaha Dowlad goboleedka Gal Cabdi zamad Nuur Guuleed.

Waxaana ugu danbayntii munaasbada shirka bandiiradleey ka hadlay xildhibaan axmed ducaale geelle {xaaf} oo umahad celiayay qaybaha kala duwan ee bulshada reer Gal mudg waxa uuna xildhibaan xaaf aad umaanay shaqada wanaagsan ee ay qabteen guddiyaddii mudada sadexda bilood hawsha adag hayay hadana loogu daray in ay sadex kale sii wadaan waxa uuna mudane xaaf kula dar daarmay in ay sii xoojiyaan hawlha muhiimk ah ee ay uhayaan bulshda weynta reer Gal mudug satate

Cabdalla Max’d cabdille

Hobyoradio Gaalkacyo,

GalMudug State SOMalia, 

Cabdalla45@hotmail.com

Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@hotmail.com