Siminaar Soconayay Mudo 2ba Maalin ah loogana Hadlayay dhibaatooyinka loo gaysto Haweenka Oo lagu Soo Gaba Gabeeyay Xarunta Amal Plaza Ee Magaalada Gaalkacyo.

Feb,19,2008  www.Hobyoradio.com

Siminaarkaan oo ay si wadajir ah uqabanayeen labada urur ee daladda haweenka Gobolka Mudug  iyo ururka daryeelka caruurta gobolka mudug ayna maal galinaysay ha’adda oxfom Novib oo maamlinimadii shalay ka furmay hoteelka amaml Palza ee magaalada gaalakcyo ayaa waxaa ka soo qayb galay qaybaha kala duwan ee bulshada,wakiilo ka socday IDP-yada ama xeryaha qaxootiga magaalada gaakacyo,saraakiisha saldhigyada booliska G/Mudug, iyo bahada saxaafada gobolka.

Siminaarkaan oo ujeedadiisu ahayd sidii bulshada loogu wacyi galin lahaa dhibaatada kufsiga iyo in ha’adaha sharci dajinta iyo fulinta la dareensiiyo baaxada dhibaatada kufsiga uu leeyahay.

   

Ayaa waxaa casharo la xiiriira arintaasi ka bixinayay macalimiin ka socotay ururada siminaar ka qabtay  Wok shop-ka ama siminaarka manta lagu soo gunaanaday hotel aml ayaa waxaa ugu horayn ka hadalay taliyaha saldhiga booliska tabeele weyne ee gal mudug state gaashaanle cabdi xasan qoorey oo  inta badana ka hadlay nabad galyada asgoona ka codsaday in qaybaha bulshada ee gobolka ay gacan ku siiyaan wax ka qabshada amaan darida..

Sidoo akle waxaa gunaanadka siminaarka ka hadashay Malyuun cismaan oo ah gudoomiyaha  kaamka buulo baclay waxa ayna  sheegtay in dhibaato xoogan ay kala kulmeen arinta kufsiga.

Dhaman qaybihii ka hadlay siminaarka ayaa soo abndhigay in bulshada oo dhan looga baahan yahay in ay iska kaa shadaan sidii ay uga hortagi lahaayeen dhiaabtada kufsiga iyadoona la soo bandhigay dukumintiyo muujinaya inta haween iyo gabdho dahlin yaro ah ee sanadihii tagay loo gaystay dhibaatooyinka kufsiga uu ka midka yahay.

Waxaaana gunaandkii uu ku soo dhamaaday  siminaarka jawi aad u wanaagsan.

 

       

Cabdalla Max’ed Cabdalle
Hobyoradio Galkacyo,
Gal-Mudug State  SOMalia,
Mobail:002521 62270923
Cabdalla45@hotmail.com

Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@hotmail.com