Wafdi uu Hogaaminayo Gudoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland oo Kormeer Kutagay Xarunta Haayada Gotenburg Initiative ee Waqooyiga Gaalkacyo

Feb,1,2010 www.Hobyoradio.com

Wafdi uu Hogaaminayo Gudoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland oo Kormeer Kutagay Xarunta Haayada Gotenburg Initiative ee Waqooyiga Gaalkacyo


 
 
Wafdi Heer Gobolka ah islamarkaasina uu hogaaminayo Gudoomiyaha Gobolka ee Maamulka Puntland Axmed Cali Salaad Faarax ayaa maanta kormeer kutagay xarunta haayda Gotenburg Initiative ee Waqooyiga Gaalkacyo waxaana halkaasi kusoodhaweeyey masuuliyinta haaydaasi .


 
 
Wafdiga oo mudo dhexmarayey gudaha xarunta islamarkaasina hadba u galayey ardayda halaasi waxkabarata ayaa sidookale waxaa halkaasi lagu tusay sida ay wax u bartaan iyo qalabka wax lagu baro ardayda wax kabarata xarunta haayada
 
 
Sidookale Wafdiga Kormeerka kugatay xarunta Gotenburg Initiative ee Waqooyiga Gaalkacyo ayaa waxaa kaqayb ahaa gudoomiyaha golaha deegaanka ee magaalada Gaalkacyo Farxaan Cali Xaad oo isna halkaasi hadalo kooban kasoo jeedshay
 
 
Gudoomiyaha Haayada Gotenburg Initiative ee Waqooyiga Gaalkacyo C/qaadir Aadan Xirsi oo warayayaasha halkaasi kula hadlayey ayaa waxaa uu kawarbixiyey qaabka wax barsahada ardayda xarunta iyo cida dhaqaalaha siisa



 

W/D:Rooble Maxamed Dirir
rooble771@hotmail.com
W/tafaftiray Agaasime
Siciid Jaani SiciidJaanii@hotmail.com
 

 

Daawo Video laga soo duubay


 

Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@gmail.com