![]() |
||
|
|
||
|
Amar Ka Soo Baxay Dowlad Goboleedka Galmudug Oo lagu Sheegay In la Joojiyay Hubka Lagu Ridayo Gudaha Magaalada Gaalkacyo.
Feb,2,2008 www.Hobyoradio.com
Amarkaan ayaa sheegaya in hawl wadeenada suuqa cir toogte ee magaalada ama cid kalaba aysan xabado ku ridi Karin suuqa iyo magaalada dhex deedaba .
Taliyaha ciidamada gur madka deg dega ah gobalka mudug ee dowlad goboleedka Galmudug Shariif Cali Dhurwaa oo amrkaani ku saxiixnaa ayaa intaasi ku daray in ciddii hub tijaabsanaysa looga baahan yahay inay ogalaansho marka hore ka hesho madaxda dowlad Goboleedka GalMudug ee ay arrintaasi khusayso ciddii ku xad gudubtana tilaabada ku habboon laga qaadi doono.
Taliyaha Ciidamada Gurmadka deg degga ah gobolka Mudug ee Dowlad goboleedka Gal Mudug Shariif Cali Dhurwaa ayaa dhanka kale sheegay in amarkaani uu u dhaqan geli doono sida ugu dhaqsiyada badan cidkasta oo uu khuseeyana loogaga baahan yahay in ay u hoggaansanto,
Arintaani ama wareegtadaan ka soo baxday madaxda nabad sugidda galmudug satate ayaa ku soo beegmaya xli magaalda galackyo ay ka socdaan hawlo nadaafdeed oo lagu soo celinayo bilicdii wadooyinka iyo xaafdaha maagalda gaalkacyo ee gal-mudug satate aydoona ay arintaani qayb ka yihiin qaybaha ciidamda booliska ee galmudug state.
Cabdalla Max’ed Cabdille
Hobyo Radio News Media |
||
|
Contact: hobyoradio@gmail.com |
||