Goalaha wasiirada dawlada Galmudug oo maanta kulan ku yeeshay magalada Galkacyo ee xurunta maamulka Galmudug

Feb,20,2010 www.Hobyoradio.com

Dhagayso wararki Idaacada Hobyo ee Feb,20,2010 Dhagayso

Goalaha Wasiirada Dawlada Galmudug oo maanta Kulan ku yeeshay Magalada Galkacyo ee Xurunta Maamulka Galmudug
 
 
Kulankaan ay Golaha Wasiirada Dawlad Gobaleedka Galmudug ay yeesheen ayaa waxaa Shir Gudoominaayay Madaxwaynaha Dawlad Goboleedka Galmudug Maxamed Axmed Caalin.
 
 
Kulankaan ay wasiirada Galmudug yeesheen Ayaa Waxaa Idacadda Hobyo Ugu war Bixiyay Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Ee Dawlad Gobaledka Galmudug Mudane Abshir Maxamed Aadan Asagoo Sheegay in kulankaan ay ku magacaabeen Gudiyo Badan.
 
 
Wasiirka Warfaafinta Galmudug Abshir Maxamed Aadan Ayaa waxa uu Sheegay in Gudiyada ay Sameeyeen ay kamid ahaayeen Gudiga Amaanka Gudiga Nabada Gudiga Maaliyada Sidookale waxaa Lamagacaabay Gudiga Kahortaga Abaaraha Baahsan Ee kajira Deegaanada Galmudug
 
 
Sidookale Wasiirka Warfaafinta Dawlad Gobaleedka Galmudug Mudane Abshir Maxmed Aadan ayaa waxa uu Sheegay in gudigaan Lamagacaabay Mardhaw Howlgalidoonan Waliba sida Ugu dhaqsiyaha Badan.
 
 
Ugu Danbaytii Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Ee Dawlad Gobaleedka Galmudug Mudane Abshir Maxamed Aadan ayaa waxa uu Ugu baaqay Bulshada Reer Galmudug in ay Lashaqeeyaan Gudiyadaan ay magacaabeen.
 
Wariye Bille Xaaji Kuwayd
Hobyo Radio Galkacyo Galmudug soomaalia
bille175@hotmail.com

 

 

Daawo Video laga soo duubay


 

Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@gmail.com