Dadka kasoo barakacay magalada Baladweyne ayaa kusoo badanaya magaladatan ee Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug

Feb,20,2010 www.Hobyoradio.com

Dhagayso wararki Idaacada Hobyo ee Feb,20,2010 Dhagayso

Dadka kasoo barakacay magalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa kusoo Badanaya Magaladatan ee Galkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug
 
Dadaka barakacaayaasha ayaa kusoo badanya gudaha magaalada galkacyo dadkaas oo kasoobarakacay Gobalka hiiraan xaruntiisa baladwaynekadib dagalo ku dhex maray gudaha magalada baldwayn ciidmada ahlusana waajmmaaca iyo xisbul-islaam
 
 
Dakaan barakacaayaash ayaa iskugu jira caaruur haween iyo waliba dad da,ah ayagoo soo buxdhaafiyya Xeeroooyinka qaxootga ay ku noolyihiin dadkii horay uga soo barkacay dagaaladii muqdusho iyo qaybo kamida Koonfurt somaliya
 
 
Mar ay maanta booqatay warbahinta hobyo qaybo kamida xerooyinka ay ku noolyihiin dadka barakacayaasha ah{IDP} ayaa waxa lagu arkayay dad hoos jiifa geedo aan hooslahayn iyo alaabtoodana daadsantahay meel banaan oo qorax ah mid kami ah dakaasi oo haween ah ayaa Nooga warbixisay xaladooda waxayna sheegatay" waxaan kasoo qaxnay Dagaaladii Kadhacay magalada Baladweyne hada Gaalkacyo wax aan ku haysano malaha waxaan haystaa 5 caruur ah oo ogoomo ah mahaysano hooy aan seexano waxaan jiifanaa Banaanka mahaysano baco aan kadhisano Guryo"taasi waxaa usii dheer helitaanka nolal maalmeedkooda oo ay waayaan.
 
 
Maahan markii ugu horaysay ay dad barakacayaal ah ka cabtaan xaaladooda nolaleed waxaase iskayar waxa loo qabto marka laga reebo ha,ada SDRO oo bixisa karar ay raashin ku qaybiso halka DRS ay siminaaro u fidiso taasina mahan wax baahidooda dabooli karaDadkani cidna uma maqna ceelna uma qodna.
 
 
Ugu danbaytii Dadkaan waxay kacodsadeen umada Soomaaliyeed inay Gacan qabtaan oo ay Xaalada Cakiran aysan ku firsan ay xiligaan ku suganyihiin
 
 
Wariye Duraan maxemed maxamud
Hobyo Radio Galkacyo Galmudug Soomaalia
duraan.uk@hotmail.com

 

Daawo Video laga soo duubay


 

Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@gmail.com