Cudurada Shuban biyoodka iyo maleeriyada ayaa ku soobadanaya Deegaano Hoostaga Gobolka Shabellada Dhexe.

Feb,20,2010 www.Hobyoradio.com

Dhagayso wararki Idaacada Hobyo ee Feb,20,2010 Dhagayso

Cudurada Shuban biyoodka iyo maleeriyada ayaa ku soobadanaya Deegaano Hoostaga Gobolka Shabellada Dhexe.
 
 
 
Sida uu kusoo waramayo Wariye Maxamed Amiin C/laahi Isxaaq oo idacadda Hobyo uga soo warama Gobolka Shabellada Dhexe, Cuduradan Shuban biyoodka iyo maleeriyada ayaa waxa ay soo Ridanayaan Caruurta da'adodu kahoosayso 10sano iyo dadka waayeelka ah Kuwaasi oo kudhaqan deegaanada kuyaala Duuleedka Magalada Jawhar ee Xarunta Gobolka Shabellada Dhexe.
 
 
Meelaha Ugubadan ee Cuduradaan ay saameeyeen ayaa wax kamid ah tuulada munka oo kamid ah tuulooyinka kuyaala hareeraha jiinka wabiga Shabeele iyo kuwa Kale oo katirsan tuulooyinka hoosyimaada Magalada jawhar ee Xarunta Gobolka Shabellada dhexe.
 
 
 
Sababaha loo aanaynayo saamaynta Cudurkaan ayaa waxa ay Dadka deegaanadaasi ay kusheegeen in isticmaalka biyaha kujira meelaha Baliyada ah.
 
 
 
iyadoo sidookale wararku ay sheegayaan in dadkaasi lasoo gaarsiiyay Ispitaalka Caalamigaa ee Magaalada Jawhar ee Xarunta Gobolka Shabellada Dhexe.
 
 
 
Wariye Maxamed amiin C/laahi Isxaaq
Hobyo Radio Gobolka Shabellada Dhexe Jawhar

 

Daawo Video laga soo duubay


 

Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@gmail.com