Dawlada Galmudug oo maanta Shir layeelatay Qaar katirsan hayadaha Samafalka ee Kahowlgala deegaanada Galmudug

Feb,21,2010 www.Hobyoradio.com

Dhagayso wararki Idaacada Hobyo ee Feb,21,2010 Dhagayso

Dawlada Galmudug oo maanta Shir layeelatay Qaar katirsan hayadaha Samafalka ee Kahowlgala deegaanada Galmudug
 
 

Shirkaan ayaa waxa uu kadhacay madaxtooyada maamulka Galmudug Kulankaan ayaa waxaa kasoo Qaybgalay Golaha Wasiirada, Golaha Baarlamanka Taliska Ciidanka Madaxwaynaha kuxigeenkiisa ee Dawlada Galmudug ayagoo kualanka Laqaatay Midkamid ah Hayadaha Samafalka.
 
 
Shirkaasi Kadib ayaa waxa Idacadda Hobyo ugu warbixiya waxa uu Shirka Kusaabsanaa kuxigeenka wasiirka warfaafinta Galmudug Mudane Axmed Maxamud Xasan {Axmed Basto}" Shir aad u muhiim ah ayaa waxa uu kadhacay Xarunta Dawlad Goboledka Galmudug State Shirkaas waxaa Kasoo Qaybgalay Hay'adihii Samafalka oo la kulmay Golihii wasiirada Golihii Baarlamaanka Gudoomiyihii Gobolka iyo madaxwaynihii Dawlada Maxamed Axmed Caalin.

Waxaa halkaas looga hadlay arin aad iyo aad xasaasi u ah
Oo ah Xaga Samafalka iyo Gargaarka bini'adanimada ee Deegaanada Galmudug State oo inta badan baryahaan danbe ku soosocdeen Hay'adaha Samafalka ayna imaanayeen Deegaanada Galmudug State ayagoo u kuur galaya Xaalada Nolaleed ee deegaanadaasi iyo Sida ay hay'aduhu wax uga qaban karaan Deegaanada Galmudug muda kadib iyo iswaraysi kadib waxaan islameel dhignay in Marxaladaha Adag ee Hay'aduhu maanta xaga Samafalka iyo abaaraha Dhamaan inay wax kaqabtaan Galmudugna Diyaar u tahay inay lashaqayso Cid alaale cidii wax kaqabanaysa Deegaanada Galmudug haday tahay Dib u heshiisiin haday tahay Xag Abaaro Haday tahay Xaga tayaynta Amniga iyo sare u qaadida Garsoorka kuli waxaan diyaar u nahay in hay;aduhu ay kashaqeeyaan Deegaanada Galmudug Xarumana ay kuyeeshaan Maamulkuna uu taabagalinayo Amnigooda iyadoo ay deegaanada Galmudug ay Kajiraan Nabad La isku halayn karo oo na lagu shaqayn karo wabilaahi tawfiiq"
 
 
Ugu Danbaytii Kulankaan ayaa waxa uu kusoo Dhamaaday mid isfaham ah
by Agaasime Siciid jaani
Hobyo Radio Galkacyo Galmudug Soomaalia
Siciidjaanii@hotmail.com

 

 


 

 

 

Daawo Video laga soo duubay


 

Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@gmail.com