Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab oo maanta Magaalada Muqdisho Kusoo Bandhigay Sadex Nin oo mayd ah.
Feb,22,2010
www.Hobyoradio.com
Dhagayso
wararki
Idaacada
Hobyo ee
Feb,22,2010
Dhagayso
Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab oo maanta Magaalada Muqdisho Kusoo Bandhigay Sadex Nin oo mayd ah.
Maamulka Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ee Gobolka Banaadir ayaa maanta Magaalada Muqdisho Waxa ay ku soo Bandhigeen Sadex Ruux oo mayd ah Kuwaasi oo ay ku sheegeen inay Kuholanaayeen Aasida Waxyaabaha Qarxa ayna Doonayeen inay ku Aasaan Xaafada Baar-ubax ee Magaalada Muqdisho.
Goobta Saxaafada Loogu soo Bandhigayay Sadexdaan ruux Ayaa guud ahaanba Waxaa isku Gadeemay Ciidamo Farabadan oo kafirsan Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab Kuwaasi oo Ad kaynayay Amaanka Goobtaasi, Saraakiil Sar sare oo katirsan Xarakada Al Shabaab ayaa Saxaafada U sheegay inay Ahaayeen dadkaan Qaar katirsan Ururka Xisbul islaam oo doonayay inay Noogu Aasaan Goobtaan waxyaabaha Qarxa Si ay waxyeelo Noosoogaarto, In kastoo Saraakiisha Soo Bandhigtay Sadexdaan Ruux ee maydka ah ay kagaabsadeen inay Saxafada Codsiiyaan.
Durbadiiba waxaa Goobta Soogaaray Ciidamo Katirsan Ururka Xisbul islaam oo halkaasi israsaasayn Culus Kudhexmartay Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab oo Goobta Joogay, Sidookale Waxaa Goobta Soogaaray Eheladii Sadexdaan Ruux oo maydka ah oo Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab Ay goobta Kusoo Bandhigeen.
Xiligaan Ayaa Goobta waxay tahay mid aad u Kacsan aydoo Dadka Kudhaqan Halkaasi Ay kacabsi Qabaan in dagaalo Halkaasi uu kudhexmaro Ciidamo Katirsan Al Shabaab iyo kuwa xisbul islaam, sidookale dadka Ku dhaw dhaw aagaasi ayaa waxa ay bilaabeen in ay Kaqaxaan Guryahooda si ay Halkaasi waxyeelo Ba'an aysan uga soogaarin.
Saraakiisha Ciidamada Al Shabaab ayaa waxa ay intaasi kudareen in ay dadkaan ahaayeen ilaa 5ruux kuwaasi oo maleegayay wax yaabaha Qarxa waxay sheegeen in labadakale ay kabaxsadeen ayagoo Dhaawac ah halka Sadexdii kalana ay Geeriyoodeen, waxay sidookale tibaaxeen in ay gacanta Kudhigeen ilaa iyo labo waxyaalood oo ah waxyaabaha Qarxa.
Sikastaba ha ahaatee Xaalada Goobta ayaa hada ah mid kacsan ayadoo Ciidamada Ururka Xisbul islaam iyo Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ay is horfadhiyaan.
Wariye Ibraahim Guule Isxaaq
Hobyo Radio Magalada Muqdisho

Daawo Video laga soo duubay