![]() |
||
|
|
||
|
|
||
|
Dowlad goboleedka Galmudug oo haayadaha Samafalka ka codsaday in ay u gargaaraan Dadka Tabaalaysan ee magalada Galkacyo. Dawo sawirada
Feb,25,2010 www.Hobyoradio.com
Dowlad goboleedka Galmudug oo haayadaha Samafalka ka codsaday in ay u gargaaraan Dadka Tabaalaysan ee magalada Galkacyo. Dawo sawirada.
Kulan manta kadhacay Xarunta Madaxtooyada magaalada Gaalkacyo ee Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxaa madaxda Dowlada Galmudug ay Ugu baaqeen Haayada Samafalka in ay Taakuleeyaan dadka gar gaarka u baahan ee Kujira Xeryaha Dadka Soobarakacay ee Magaalada Galkacyo .
Kulankaasi ayaa u dhexeeyey masuuliyiinta Haayadaha Samafalka Gobolka Mudug Iyo Madaxda Maamulka Galmudug oo Ugu sareeyey madaxweyne Maxamed Axmed Caalin oo ah madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug .
Sidookale Hay adaha Maanta kulanka laqaatay Galmudug ayaa waxaa kamid ahaa U.N.H.C.R,UN.OCHA.iyo UNISEF waxaana dhamaantood ay sheegeen in ay diyaar u yihiin kashaqaynta deegaanka balse markii hore laga aaminsiiyey in uu yahay mid FOWDO ah .
Kadib markii uu soogaban gaboobay kulanka ayaa waxaa hay aduhu kormeer ay kusoosameen xeryaha dadka soobarakacay waxaana halkaasi ay kula sookulmeen dad aad u tabaalaysnaa kuwaasi oo dhamaantood sheegay in ay kazoo barakeceen dagaalada kasocda koonfurta Somaliya.
Sikasta ha haatee Kulankaani manta dhexmaray Madaxda Galmudug Iyo hay adaha Gar gaar ayaa imaanya xili deegaanada Galmudug ay kusoobadanayaan dadka ka soobarakacaya koonfurta Somaliya oo ay dagaalo kajiraan waxaana taasi sii dheer in dadkii u gudbi jiray gobolada waqooyi ee Somaliya Sida Puntland Iyo Somaliland in ay Galmudug ku hakadeen kadib dhibaatan xoogan oo meelahaasi loogu gaystay W/D Rooble Maxamed Dirir Email Rooble771@Gmail.com
Daawo Video laga soo duubay
Hobyo Radio News Media |
||
|
Contact: hobyoradio@gmail.com |
||