Godoomiya gobolka Mudug Xasan Faarax Bare oo Idacadda Hobyo ugu warbixiyay hHalka uu kudanbeeyay kulamadii Xalinta khilaafka labada dhinac ee Galmudug iyo Puntland ee Kadhacay Suuqa Magaalada Gaalkacyo.
Feb,28,2010
www.Hobyoradio.com
Dhagayso
wararki
Idaacada
Hobyo ee
Feb,22,2010
Dhagayso
Godoomiya gobolka Mudug Xasan Faarax Bare oo Idacadda Hobyo ugu warbixiyay hHalka uu kudanbeeyay kulamadii Xalinta khilaafka labada dhinac ee Galmudug iyo Puntland ee Kadhacay Suuqa Magaalada Gaalkacyo.
Godoomiyaha Gobolka Mudug mudane Xasan Faarax Bare oo kamid ah Gudiga Xalinta Qilaafaadka Soo kala Dhaxgalay Labada Maamul ee Galmudug iyo Puntland oo Kadhacay Suuqa Gaalkacyo Ayaa Idaacadda Hobyo ee Magaalada Gaalkacyo ugu warbixiyay Halka Ay wax u Maraayaan.
" Arintaas waxay ahayd Arin aad U Dheer oo mudo Soosocotay Dhacdooyinkii fooshaxumaa oo Kadhacay Gaalkacyo oo Labada Maamul Dhexdooda kadhacay oo ah Galmudug iyo Puntland isla Markiiba Arin ayaa laga Gaaray oo Xabad joojin ah waana Hirgashay
Inta Kadanbaysay Dhibka waxa keenay iyo waxyaabihii Dhacay Gudi Labada Dhinaca Kasocda Ayaa Loosaaray Gudigaas aya intii Muda ah Hadlahayay oo aad iyo aad Arinta Uga hadlahayay Qodobo badan oo ay soosaareen ayaa laga doodahayay oo labada Dhinac ay keeneen Qodabadii waxyar ma ahane intii kale waa ay islagarteen waa ay kuheshiiyeen Xoogaa Qodobo ayaa kataagtaagmay Qodabadaas Kataagmay labada Gudi hadana aan jeclayn in aan warbaahinta Kasheego baa maamulka Labada Dhinac ee Gobolka ay lawareegeen Qodabadii kataagtaagmay waxana ku heshiinay aniga iyo Gudoomiyaha Gobolka Mudug ee Maamulka Puntland Axmed Cali Salaad in Arintaan Si farsamo ah loogalo Cid aan badnayd oo Shan iyo Shan ah oo labada Dhinac ah Maamulka Gobolka Kan Dagmada iyo Gudiga Nabad galyada in la isku keeno oo ay kawada hadlaan Arintaasi kana doodaan xal fiicana ay kagaaraan ayadoo Arintu Sidaa Noogu Socoto Ayaa waxaa hakiyay Godoomiyahay Gobolka mudug ee Puntland Axmed Cali salaad Aydoo Dhankaasi ay dilal kadhaceen gaar ahaan Bursaalax oo lasheegay in lagu dilay Godoomiyihii iyo Rag kale baa Gudoomiyaha Gobolka mudug ee Puntland aaday ilaa iyo hadana Arintu Sidaas ayay u Xayirantahay Dhankoodaas markay Kasoo Dhamaato Ayaan Sii wadi Doonaa Arintii Aan kubalanay Hadana hakatku Sidaas ayuu u yimid"
Sidookale Mar wax laga waydiiyay Shacabka idinka Dhawrsugaya Maxaad ku qancin kartaan ayuu ku jawaabay" waxaan Kuqan Cinaynaa Nabad inay ku seexdaan Kuna joogaan illhay haduu idmo Qofkastana uu isku xilsaaro Gudigaan hada Soosocda Nabadaynta Dhamaystiraya In gacan Lasiiyo In talo balaaran lasiiyo In wixii ay soosaaraan kuqancaan idil aan kudilee wax Nabad ah oo lagu gaaraayo Majiraan Reer Gaalkacyo Labada Dhinac waa dad islaam ah waa dad daris ah waa dad Ehel ah waxa ay iska helayaan dad haladilo Majirto Qof la arko inuu Nabada Soo dhaweeyo Wixii Go'aan ah oo soobaxa Aan rajeynayno Maalmaha Soosocda In lagu Qanco Dadka Kashaqaynayana Gacan Lagu Siiyo Waxaan Rajeynaynaa Inaysan Dhicin Wax Qilaaf ah Dad Gudi ah waa Ay isqaban Jireen waa ay Is afgaran wayn jireen Laakiin Gudigaan waa Gudi Farsamo waxaan Rajaynaynaa Inay Dhamaato"
by Agaasime Siciid Jaani
Hobyo Radio Gaalkacyo Galmudug Somalia
Siciidjaanii@hotmail.com

Daawo Video laga soo duubay