![]() |
||
|
|
||
|
Kulan ay Iskugu yimaadeen Masu'uliyiinta Shirkadda korontada Diini Inter press iyo Macaamiisha Shirkaddaasi Oo o ka Dhacay Xarunta Shirkada diini ineternet Ee Magaalada Gaalkacyo. {Daawo Sawirada}
Feb,5,2008 www.Hobyoradio.com
Kulaan oo ay ka soo qayb galeen qaybaha kala duwan ee bulshada gaar ahaan macaamiisha shirkadda korontada ee diini interess ayaa waxaa soo qaban qaabiyay masuuliyiiinta shir kadaasi
Kulankaan ayaa ujeedadiisu waxa ay ahayd sidii ay uwada shaqayn lahaa yeen maamulka shirkada korontada iyo macaamiishooda maadaama ay jir to sicir barar saamaeeyay qaybaha kala duwan ee bulkshada magaalada Gaalkacyo. Kulan kaan ayaa waxaa kahadlay mulkiilaha shirkada korontada ee diini abshir diini cawaale waxaana uu kahadlay arimo farabadan oo ku aadan saamaynta ay shirkadda karontadada ku yeelatay sicir bararka magaalada gaalkacyo oo ubaahan in laga wada hodlo si adeegga korontada uusan meesha uga bxin bulshaduna uhesho koronto iyo qiime ay ku qancaan. Isgoo sheegay in macaasmiisha looga baahan yahay in ay soo gud biyaan fakir kooda ku aadan sida ay wax ku socon karaan. Dhinaca kale axmed cadale oo kamid ah macaamiisha shirkadda korontada oo kulan kaas kahadlay ayaa sheegay in loo baahan yaahay in la magacaabo gudi ukuurgala arimahasi uu soo jeediayay mudane abshir diini cawaale milkiilaha shirkadda diini inter press.
Arimahani ayaa kadambeeayay kadib markii sicir bararka magaalada ay saamayn kuyeelatay shaqadii ka dhaxaysay macaamiisha iyo shirkadda korontada diini inter press oo ah shirkadda ugu weyn ee xiligaan adeegga korontada ka bxisa magaalda Gaalkacyo ee dhanka dawlad goboleedka Gal-mudug state. Gaba gabadii kulanka ayaa lagu balamayay in kulan kale la isugu yimaado si loo amba qaado wada shaqaynta macaamiisa iyo maamulka shirkadaasi.
Cabdalla Max'd Cabdille Hobyoradio Galakcyo, Gal-Mudug State SOMalia, Mobail:00252162 270923
Hobyo Radio News Media |
||
|
Contact: hobyoradio@hotmail.com |
||